Shacabka Oo Eegaya In Madaxweyne Biixi Inuu Kala Diro Goleyaasha Deegaanada

Waxaa soo dhamaatay Muddo xileedkii ay xukuumadii hore ee Axmed siilaanyo u kordhisay goleyaasha deegaanada Somaliland ay shalay 29 March 2019 ku ekayd.

Xildhibaanada goleyaasha deegaanada ee dalka oo ay tiradoodu tahay 353 xildhibaan ayay muddo xilleedkoodii shalay ka dhammaatay, waxaana la is weydiinayaa go’anka uu Madaxweyne Biixi ka qaadan doono.

Dad badan ayaa filayay in Madaxweyne Biixi uu kala diri doono goleyaasha deegaanada islamarkaana uu magacaabi doono xoghayayaal noqda ku sime maayar inta doorasho deegaan la qabanayo, isagoo wax ka bedel ku samayn doona xeerka goleyaasha deegaanada, laakiin ma muuqdo wax qorshe ah oo uu Madaxweyne Biixi ka damacsanyahay goleyaasha deegaanka oo uu wakhtigoodii dhammaaday.

Sidaas darteed, waxa la is weydiinayaa Madaxweyne Biixi ma mudada ayuu u kordhin doonaa goleyaasha deegaanada mise sharciyada ayuu wax ku bedel ku samaynayaa oo wuu kala diri doonaa?

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker