Waa Immisa Lacagta Abaalmarinta Koobka FA Cup? Kooxdii Hanata Caawa Ee Man City Ama Watford Imissa La Siinayaa, Kooxda Laga Badiyo-se Lacag Ma Leedahay?

Finalka FA Cup ayaa Manchester City ay u tahay fursad ay ku qaado seddexda koob ee maxaliga ah xilli ciyaareedkan halka Watford ay raadineyso koobkeedii ugu horeeyay tan iyo markii finalka laga badiyay sannadii 1984. Hadaba waa immisa lacagta abaalmarinta ee ay heleyso kooxda hanata FA Cup?

Manchester City iyo Watford ayaa maanta garoonka Wembley ku madadaalin doona 90 kun taageerayaal ah, laakiin tartankaan oo soo bilowday bishii Agoosto ee sannadkiii waxa uu ku bilowday iyadoo ay daawanayaan in ka yar 200 taageerayaal ah.

Maalin ka hor inta aysan Watford bilaabanin xilli ciyaareedkooda Premier League iyo labo maalmood ka hor inta aysan City horyaalka ku bilaabanin guul ay ka gaareen Arsenal, lix ka mid ah kooxaha ugu hooseeysa tartanka ayaa bilaabay wareega hordhaca ee isreebreebka FA Cup.

 

 

 

 

 

 

 

 

Wareegaas kooxdiisa badisa waxa ay heleysa 2,250 ginni halka kooxda laga badiyo la siinayay 750 ginni.

Kooxihii soo baxay oo ay ku jiraan kooxaha heerka 7aad ee Metropolitan Police, Haringey Borough iyo Hitchin Town, waxa ay midkiiba heshay 25 kun ginni.

Kooxda finalka soo gaartay ee Watford oo tartanka ka bilowday wareega 3aad ayaa 2-0 kaga badisay koox aan ku jirin nidaamka horyaalada kuwaasoo ka soo baxay wareegii labaad ee isreebreebka.

Marka lagu darro lacagta xuquuqda baahinta, Watford waxa ay wareegaas ka heshay 150 kun ginni oo ay ku jiro 54 kun oo ay ku heleen natiijada kulankii ay ka badiyeen kooxda heerka afaraad ee Swindon.

City ayaa tartanka ka bilowday wareega shanaad oo ay u safreen kooxda Newport, laakiin kooxda heerka afaraad ayaa abaalmarin ahaan u heshay markii ay wareegaas ku hartay 405 kun ginni madaama ay soo reebeen kooxda Premier League ka ciyaarta ee Leicester City.

Inta u dhaxeysa wareega afaraad iyo wareega sideed dhamaadka FA Cup, waxa ay koox walba heleysa labo jibaarka lacagtii lagu siiyay guushoodii ka horeysay, iyadoo lacagta abaalmarinta ay u dhaxeysay 180 kun ginni ilaa iyo 720 kun ginni.

City iyo Watford waxa ay wareegii semi-finalka ku heleen labo jibaarka lacagta ay heleen kooxihii kale ee u soo baxay semi-finalka, iyadoo City iyo Watford lagu abaalmariyay midkiiba 1.8 milyan ginni halka Wolves iyo Brighton la siiyay midkiiba 900 kun ginni.

Kooxda hanata koobka FA Cup maanta waxaa la siin doonaa abaalmarin lacageed oo gaareysa 3.6 milyan ginni, halka kooxda laga qaado koobka la siin doono kala bar lacagtaas oo gaareysa 1.8 milyan ginni.

City iyo Watford waxa ay lacago soo helayeen tan iyo wareegii seddexaad, waxaana ay mid walba heli doontaa 5 milyan ginni  intii uu tartanka socda, waxaana kooxda koobka qaada ay wadar ahaan heli doontaa 6.8 milyan ginni.

Abaalmarinta Lacagta FA Cup

Wareega hordhaca kooxaha guuleysta – £2,250 (Kooxda laga badiyo £750)

Wareega hordhaca labaad – £2,890 (£960)

Wareega isreebreebka 1aad – £6,000

Wareega isreebreebka labaad – £9,000

Wareega isreebreebka 3aad – £15,000

Waxaaa isreebreebka afaraad – £25,000

Wareega 1aad ee tartanka rasmiga ah – £36,000

Wareega 2aad ee tartanka rasmiga ah- £54,000

Wareega 3aad ee tartanka rasmiga ah – £135,000

Wareega 4aad ee tartanka rasmiga ah – £180,000

Wareega 5aad ee tartanka rasmiga ah – £360,000

Wareega sideed dhamaadka – £720,000

Wareega semi-finalka kooxaha badiyay – £1,800,000

Wareega semi-finalka kooxaha laga badiyay- £900,000

Kooxda kaalinta labaad gasha – £1,800,000

Kooxda ku guuleysata koobka – £3,600,000

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker