Waa Kee Dalka dhaqaalaha Fiican haysta ee xildhibaannadiisa siiya mushaar aad u yar

Shaqada siyaasadda ayaa ah mid faa’idooyin badan leh marka la eego dhanka dhaqaalaha.

Balse arrintaasi kama jirto dalka Sweden.

Dalkan oo ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Scandinavian-ka ayaa caan ku ah dhaqaale tashiilka iyo in qofka siyaasadda galaa aanu qaadan dhaqaale buuran.

Marka laga yimaado gunnooyinka ay qaataan, xildhibaannada dalka Sweden ayaa waxaa xakameeya xeerar adag oo ku aaddan in aanay sidii ay doonaan u isticmaalin lacagaha canshuur bixyeyaasha.

“Muwaadiniinta Caadiga ah”

“Waxaan nahay muwaadiniin caadi ah,” ayuu BBC-da u sheegay Per-Arne Hakansson, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden.

“Macno wayn ma samaynayso in xildhibaanada mudnaan gaar ah la siiyo, maadaama ay matalaan shacabka iyo xaaladaha ay ku nool yihiin”.

“Waxaa oran karnaa mudnaanteennu waa in aan dadka u shaqaynno, oo aan helno fursad aan ku baddali karno jihada uu dalku u socdo” ayuu intaas u daray Mr Hakansson.

Ra'iisal Wasaaraha Sweden, Stefan Lofven

Xubnaha Baarlamaanka Sweden ayaa xaq u leh in ay si bilaasha ah ku raacaan gaadiidka dadweynaha.

Xubnaha baarlamaanka Sweden ayaa ka duwan baarlamaanada kale ee caalamka, mana lahan gawaari iyo darawello si gaar ah loogu qoondeeyey.

Mushaarka

“Ma adeegsanno gawaarida kirada ah,” ayay tidhi René Poedtke, oo ah mas’uul baarlmaanka ka tirsan.

“Ma jiraan gawaari gaar ah oo loo qoondeeyey xildhibaanada si ay guryahooda u geeyaan ugana soo qaadaan.”

Dhab ahaantii, siyaasiga kaliya ee leh gaadhi joogto ah dalka Sweden oo dhan waa Ra’iisal Wasaaraha.

 

Xildhibaanada Sweden ayaa bishii mushaar ahaan u qaata $6,900, taas oo ah kala badh mushaarka uu qaato qofka ku jira Congress-ka Maraykanka oo ah $14,000 .

celceliska mushaarka billaha ah ee Sweden ayaa ah $2,800 bishiiba.

Xildhibaanadda laga soo doorto deegaannada ka baxsan magaalada Stockholm ayaa la siiyaa gunno lagu magacaabo “traktament” – oo ah gunno joogta ah oo la bixiyo maalmaha shaqada ee ay ku sugan yihiin magaalada caasimadda ah.

Waa immisa gunnadaas? waa $12 maalintiiba, taas oo aan goyn waxa aan cunto fudud ka ahayn.

Dhismaha baarlamaanka SwedenCAMILLA SVENSK/SVERIGES RIKSDAG

Tan iyo sanadkii 1957-dii, xildhibaanadda Sweden ma aysan qaadan jirin mushaar. taas baddalkeedana xubnaha xisbigiisa ayaa gacan ka siin jiray xildhibaan kasta dhaqaalihii uu ku noolaan lahaa.

Hal hal sariir

Goobaha ay ku nool yihiin ayaa ah kuwo raaxo leh: Per-Arne Hakansson, tusaale ahaan wuxuu ku nool yahay qol bed kiisu dhan yahay 46 meter oo isku wareeg ah.

,CLAUDIA WALLIN

Guryaha ay dawladdu leedahay ayaa ah ku aad u cidhiidhi ah oo cabbir ahaan dhan 16 Meter oo isku wareeg ah.

Sidoo kale, guryahaasi ma dhex yaallaan alaabada qaar sida mashiinada dharka lagu dhaqo iyo kuwa weelasha lagu nadiifiyo. dhammaan waxaa dhex yaal hal sariir oo qudha.

,CLAUDIA WALLIN
,CLAUDIA WALLIN

Shaqo aan mushaar lahayn

Dhaqaale tashiilka ayaa xataa aad ugu xooggan siyaasiyiinta gobollada ee Sweden.

Matalaadda siyaasadeed ayaa la mid ah shaqooyinka caadiga ah ee dalkaas ka jira. ku dhawaad 94% ka mid ah dadka matala goloyaasha deegaanada waxay shaqeeyaan mushaar la’aan. waxaana kuwaas laga soo reebaan mudaneyaasha ku jira guddiyada oo intooda badan shaqeeya hal galin.

Christina Elffors-Sjödin, oo ka mid ah golaha deegaanka, Stockholm, oo sharxaya falsafaddaas ayaa yidhi: ” Waa shaqo iskaa wax u qabso ah taas oo aan ku bixinno qayb kamid ah waqtigeenna.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker