Taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland oo dagaal lagu dilay

Gaalkacyo (OWN) – Wararka ka imaanaya goboka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed.

 

Dagaalka ayaa ka dhashay howl-gal ciidamada Puntland, gaar ahaan ilaalada madaxtooyada ay ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa warshadda Kabista ee Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Ragga maleeshiyaadka ah ee dagaalka kala horyimid ciidamada ayaa la sheegay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga, balse Booliska ayaa la wareegay warashadda.

 

 

Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland

Dilka taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan madaxweyne Siciid Deni uu ku sugan yahay waqooyiga Gaalkacyo.

 

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale ciidamada amnigu ay howl-gallo baaxad le ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Somalia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker