“Kadaa dee Kadaa ha ‘abuuranne’ kadaa Farxad ha odhane, Farxad Kuma odhane Masiibaa dhacdey ayaan Ku idhi “Xildhibaan Khadar Cali

Xildhibaanka:- “Kadaa dee Kadaa ha ‘abuuranne’ kadaa Farxad ha odhane, Farxad Kuma odhane Masiibaa dhacdey ayaan Ku idhi Tacsina Waan Direy”Xildhibaan Khadar Cali

(Dhibaatooyinka Kala Haysta Wariyayaasha Da,da yar Iyo Masuuliyiinta ay Wareysanayaan Sidee Baa Loo Marin Habaabiyay Hadalkii Xildhibaanka?)

Xikdhibaan Khadar Cali Xakiim, ayaa Si aad ah uga Xanaaqey Markii Lasoo Dhigay Bageka Talafishanka Horyaal uu Ku Leeyahey Barkulanka Facebook, ‘Deg Deg Xildhibaan Sheegay, innuu Ku Farxay Godka Wiilku Ku Dhintey ee Dahabka Laga Qodayey’

Xaqiiqdu Ma Sidaas ayey Aheyd Mise Wey Ka Duwan Tahey?

Xildhibaanku, innuu ka Xumaado, oo Ka Xanaaqo, qoraalka Ciwaanka Looga Dhigay Wareysiga Laga Qaadey, Waa Mid Sax ah Sababtoo ah Arrintu Bilaw iyo Dhamaad Marka laga Dhugto, Meelnaba Kagama Jirto in Xildhibaan Khadar Cali Xakiim Ku Farxey Dhacdadaasi Laakiin Talafishanka iyo Wariyayaashu ujeedo Kale ayey intan ka lahaayeen, haba Noqoto in Si aad ah Loogu Booqdo Muuqaalka Laakiin Sidaa Wey ka Duwaneyd Waana Tan Bilaw ilaa Dhamaad.

Kadib Markii uu Wariyhu Weydiiyay Su,aasha u Dhigneyd, Mudane Xildhibaan Shaley Waxa Ku Geeriyooday, Wiil dhalinyaro ah oo Ku dhacey God Deegaanka Milixle oo Katirsan Gobolka Sanaag Meel Dahabka Laga Qoto Adigu Arintaa Maxaad kala Socotaa?

Ayuu Wariyuhu Weydiiyay Xildhibaanka Kadibna Wuxuu Xildhibaanku kaga Jawaabay Su,aasha Sidan:-

“Kulu Nafsi Daa iqatul Mawt Tacsibaan u Dirayaa illaahay ha u naxatiisto, Malakul Mawtku, Wa Yatiihi Kulu Makaan Siyaalo Kala Duduwan ayuu Dadka u qabanayaa Midbaa,
Shil Ku Dhimanaya, Midbaa Bad Liqeysaa, Midbaa Waddo Istaagaya, Marka Qofka Wakhtigiisu Dhamaado Waala, qabanayaa midba si ay, ku dhaafto, Markaa Nin Dhalinyaro ah oo Shaqeysanayay ayuu ahaa oo Tabcanayey, oo Xoogiisa Maalayay, Diintuna Wey Dhiirigalisaa Qofka tacbada ee Xoogiisa Maala, Markaa Waxaann Rajeynayaa innuu Ehelu jano yahey Waayo Camal Kheyri ah ayuu kujirey Kasbasho Risiq Xalaal ah Markaa Waan dhiirigalinayaa” Ayuu yidhi.

Waxaanu intaa Ku Darey

“Dawladdana Waxaan ku baraarujinayaa Wixii karaankeeda ah inney ka Caawiso Tababaro iyo Xaga Xirfadaha, iyo Xaga Qalabka iyo Xaga Nabedgalayadda Markey Khatari dhacdo, Waxa Kale oo aan Ka rajeynayaa Dhulkaa Macdanaha laga helay Maadaama ay Dalkii Ka Tirsan yihiin in Shuruucda, loo baahan yahey iyo Kaanatroolka Dawladdnimo intaba la Gaadhsiiyo, oo Deegaanku Waa Deegaan Laasqorey Eeriya ah Waana Deegaan Fog,oo Masaafo ahaan Durugsan, Waana Deegaan Aannu Maamulka Somaliland aad uga WADA Shaqeyn, Waxaan Rajeynayaa in Dadka Deegaankuna Sidii uu Shirweynihii Ka Dhacey Sanaag in Maamulka ama Maamul Fidintu Gaadho, Ciidamada Qarankuna ee Ceerigaabo Duleedkeeda fadhiyaana ay jiida hore tagaan si ay Mararka Qaarkood uga Qeyb Qaadan Karaan Dedaalka Badbaadinta ah ee Deegaanada Ka Dhici Kara” Ayuu yidhi

“Dalkan Iskuduubni iyo Midnimo ayuu Meel Ku Gaadhi Karraa dhawr iyo Soddonkaa Sano ee aynu jirney, Marba Waxbaynu soo qabanayney, Maantaba Waa Farxad, haddii Sidii Godadkii South Afrika ee Dahabka laga Jodi jirey ee la odhan jirey dadbuu ku dumey aynu Maanta Mareyno oo Marna la odhan karo Waa Guul Marba dee Waa Khasaare oo qofbaa Ku dhintey” Ayuu yidhi Xildhibaan Khadar Cali-Xakiin.

Kadibna Wariyaha ayaa haddana Weydiiyay Xildhibaan Waxaad Kamid tahey, Xildhibaanada Somaliland ee Kasoo jeeda Gobolka Sanaag Wiilkaasina Mudo 40 Saacadood ah ayuu Halkaa Kujirey Miyaan la odhan Karin Xildhibaanada Kasoo Jeeda Gobolka Sanaag Wey Gabeen Kaalintii ay Ku Lahaayeen?

Xildhibaanka:- oo Maxey Sameyn Lahaayeen?

Wariyaha:-Afartan Saacadood Wiil kujirey Hog ayaa Addoo Kasoo Jeeda Gobolka Sanaag aad u hadli Weyday?

Xildhibaanka:- haa Ma hadalbaad Sheegaysaa, haa Hadal Wax Matarro, Hadal Meel Madhan Ma Buuxiyo, hadal Muxuu Tarraa Waxqabad ayaa loo baahan yahey Innagu Qalabkii loo baahnaana Meesha Kumaynu ogeyn Runtii Dadka Deegaanku Wey dedaaleen, Runtii Gurmad Wey Sameeyeen, intii loo baahnaa hadalna Waxba kama taro Meel hoo u baahan” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Wariyihii:-Adigoo Xildhibaan ah Markaad Leedahay, South Afrika ayaa Meel Wax Ku Duntey, oo Somaliland Farxadbay u tahey Miyaanay ayaan Darro Weyn Kugu aheyn?

Xildhibaanka:-“South Afrika Waad ogtihiin Godadka Waaweyn, ee laga qoto Dahabku inney Dadku ka shaqeystaan Waxey ku tuseysaa inneynu Shaqo tagney, inneynu Shaqo tagnaa Waa Farxad, Laakiin in Masiibo dhacdaa Waa dhibaato” Ayuu yidhi.

Wariyihii:- Dhawaan Waxaa la Arkayey Adigoo Xukuumadda gaar ahaan Madaxweynaha Kulamo Layeelanaya Imikana Waxaad Leedahey Deegaanada aan Kasoo jeedo Muxuu, hadal Wax u tarayaa, Miyaan la odhan Karrin Xildhibaanada Deegaankaasi Sanaag Kasoo jeeda Mudo afartanka Saacadood ah Wiilka Hogga Kujirey ay u hadli Waayeen Ayaan Darro Weyn, ay u tahey?

Xildhibaanka:- Kadaa dee ha abuurane kadaa Farxad ha odhane, Farxad Kuma odhane Masiibaa dhacdey ayaan Ku idhi Tacsina Waan Direy, dee haddii ay Dhalinyaradu Shaqo tagtey Taasi Miyaanay Farxad kuula eekayn adiga?

Wariyihii:- Deegaankan Milixle ee Gobolka Sanaag Katirsan Waxaad tidhi Maamulka Somaliland Kama jiro Haddaa Yaa Maamula?

Xildhibaanka:- Deegaanka Ciidamada Qaranku Majoogaan Laakiin Waxaa Maamula Dadka Deegaanka Madaxdhaqameedka iyo Maamulka Somaliland.

Wariyihii:- Dee hadaa Maxaad u laheyd Maamulka Somaliland Kama jiro?

Xildhibaanka:- Dabcan Maamulka Somaliland Markaad, eegto Badhan iyo Dhahar iyo Laasqorey Sadexdaa Degmaba Waa Gobol Sanaag, Waana Deegaanada Kaantaroolka looga baahan yahey, loogana baahan yahey inney Codaymuhu Ka dhacaan Mar Walba,Sadexdaa Degmo Xildhibaanadii ay Xaqa u lahaayeen, Masoo bixin Sabatoo ah Codeyn Kamay dhicin, Markaa Dadka Matelayaa, annaa ugu dhaw oo Meydh Kasoo jeeda, Mustaqbalka Waxaan Rajeynayaa inney Full operation noqdaan Waad mahadsan tihiin”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker