Wasaarada Macdanta Somaliland oo Wax Garadka Gobolka Awdal kala Xaalaysa sidii ay Buura layda Gobolka uga Baadhi lahayd Macdan

Wasaarada Macdanta Somaliland oo Wadda Qorshe  Macdan Lagaga Baadhayo Buuraha Gobolka Awdal

Waxa cakirnaan iyo is afgarad la’aan ku dhamaaday kulan loogu gogol xaadhayay sahan dhinaca macdanta ah oo laga baadhayo degaanada Garba-dadar, Waraqa-dhagta, iyo Baki kadib markii ay Wasiirka Wasaarada Macadanta iyo Odaydhameedka degaanadaas macdanta laga sahminayaa isku afgaran waayeen qaabka loo wajahayo.

 

Kulankan oo ka qabsoomay Hotel Saw ee magaalada Boorama ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Macdanta Somaliland, Odayaasha dhaqanka iyo Gudoomiyeyaasha degmooyinka Baki Lughaya Iyo Garba-dadar iyo Macdan-baadhayaal Ajaanib ah iyo sidoo kale Milkiilaha Shirkada Dhinaca Macdanta qoda ee lagu magacaabo Rooble Mining Company oo fadhigeedu yahay Magaalada Burco.

 

Bilawgii Kulankan ayaa Wasiirku ku wargaliyay Masuuliyiinta degmooyinka iyo Oday dhaqameedka in xukuumadu qorshaysay in buuraha degmada Baki iyo Garbadadar laga baadho macdanta loo yaqaan Copper (Kobar) taas oo ogolaasho loo siiyay Shirkada Rooble Mining Company lana doonayo in dhul cabirkiisu yahay 6km oo dherer ah iyo 2km oo balac ah laga bilaabo sahankan macdan godista ah ee lagu samaynayo buuraha gobolka Awdal.

 

Wasiirka ayaa intii uu sharaxaadan ku guda jiray waxa uu ku dheeraaday in mashruucani uu yahay mid dadka degaanka iyo dalkaba muhiim u ah, dadka degaankana si gaar ah loo siin doono qalabka laga xirto sunta macadanta, islamarkaana lagu soo celin-doono faa’iidada laga helo macdan qodistaasi.

 

Odaydhaameedka oo markii wasiirku hadalka dhameeyay halkaasi ka hadlay ayaa si cad uga biyo diiday qorshaha aan bilawgiisii laga qayb galin ee maanta la dulkeenay, iyagoo sidoo kale sheegay inay-san diyaar u ahayn in degaanadooda macdan ka baadho, Waxana xusid mudan in odayaasha meeshaas ka hadlay ay sheegeen in maanta loogu yeedhay ka qayb galga Tababar (Siminaar) ku saabsan xeerka macdanta ee xukuumadu ansixisay, balse aysan halkan u iman in ay hawl dhan oo la soo qorshaytay ay ku ansixiyaan.

 

Suldaan Samatar Sul. Abshir iyo Sul.Muuse Sanbuurad oo hadalka iska daba qaatay ayaa dareenkooda diidmada u badan ee ay ka dhiibteen kulanka ka dhigay mid cakiran oo hadalo taag-taag u badan la isku waydaarsado, wixii intaas ka dambeeeyayna odayaasha ayaa bilaabay inay iskaga baxaan kulanka, waxaana Wasiirka oo ay ka muuqato in uu liqi-waayay diidmada odayaasha ayaa hadalka soo koobay sheegayna in waxwalba la dhameeyay, amar dawladeedna lagu fulinayo, cid wax laga waydiinayona aanay jirin waxa intan ka dambeeya.

 

 

Siday doonto ha ahaatee, waxa xusid mudan in hoosta laga xariiqo in buuraha Siimoodi ee degmada Baki ee macdanta ku caanka ah ee ku yaala gobolka Awdal ay marar hore isku dayday xukuumada Somaliland inay macdan ka baadho iyada oo qandaraasyo ku siisay shirkado ay tii u dambaysay ahayd mid laga lahaa dalka Shiinaha……Balse ilaa imika lama Saadaalin karo Waxay Xaaladi ku dambayn doonto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker