Itoobiya oo maxkamad saareysa eedeysanayaashii dilay Fanaan Caan ahaa

Xukuumada Itoobiya  ayaa dacwado argagaxiso ku soo oogtay afar tuhmane oo loo haysto dilkii fanaan caan ahaa oo kasoo jeeda Itoobiya, taas oo kicisay mudaaharaadyo ay ku dhinteen in ka badan 178 qof, Sida uu sheegay afhayeen u hadlay xeer ilaaliyaha guud.

 

Dilkii bishii Juun ee Hachalu Hundessa, oo ahaa muusikiiste ay qadarin jireen qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya, ayaa rabshado maalmo socday ka qarxiyay magaalada Addis Ababa iyo gobolka ku xeeran ee Oromada.

Dibadbaxyada ka dib in ka badan 9,000 oo qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin, dhaqdhaqaaqayaal iyo saxafiyiin ayaa la xidhay.

 

Toddobaadkii hore 2,000 oo qof ayaa lagu soo oogay dacwado la xidhiidha rabshadaha, Kuwaas waxaa ka mid ahaa maalqabeen caan ah oo xagga warbaahinta ah iyo siyaasiga mucaaradka Oromada Jawar Mohammed, oo lagu soo oogay inuu ku xadgudbay Mabaadii’da argagixisa la dagaallanka iyo khayaano dhanka isgaarsiinta ah,

 

Warbaahinta dowladda ay maamusho ayaa sheegtay shakhsiyaad loo haysto argagixisanimo iyo tuhmanayaal kale in wali gacanta lagu hayo, si ay u abuuraan fowdo iyo meesha in ay ka saaraan dowlada.

Hachalu Hundessa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker