42 Xaaji oo sanadkan ku dhintay Xajka Iyo Wadanka Ay Udhasheen :Faah-faahinta Halkan Ka Akhriso:

Ugu yaraa 42, Xaaji oo Reer Pakistan ah ayaa ku dhintay Xajka sanadkan sida ay shaacisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta dalka Pakistan.

Dhimashada Xujeyda Reer Pakistan ayaa ka dhalatay shilal kala duwan oo ka dhacay Xajka iyo kuwa qaar oo neef qabatoobay sida ay sheegtay Dowladda.

Dadka dhintay ayaa kala ah 30 Rag ah iyo 12 Haween ah, waxaana ay da’dooda u dhaxeysaa 40 illaa 80 jir.

Dalka Pakistan waxaa Sanadkan ka xajiyay  184,210 oo Xaaji, kuwaas oo ku baxay mashaarciida ay dowladda bixisay iyo kuwa si gaar ah ku baxayba.

Dhinaca kale Nin Carab Muslim ah ayaa shalay ku dhintay Xajka kaddib markii uu iska tuuray Saqafka sare ee Masaajidka Nabiga.

Ahmad bin Muhammad Al-Mansouri, oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Sacuudiga qeybta Xajka ayaa sheegay in Ninkaasi uu geeriyooday, halka uu ku dhacayna ay ku dhaawacmeen labo Xaaji oo ay hadda xaaladdooda deggantahay.

Al Mansuuri ma sheegin Magaca Ninka ku kacay isdilka,hayeeshee waxaa lagu sheegay Nin Carab ah,dhamaadkii todobaadkii hore ayey ahayd markii Labo Xujey Soomaali ah ku dhinteen Mina is cidhiidhi ka dhacday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker