Cabdi Maxamuud Cumar: Geesi aan Gaban.

Waxay uun ahayd markii uu dhawaan si badheedha uga soo dhex mudhay Cabdi Maxamuud Cumar taariikhda Soomaalida marka laga soo bilaabo xilli fog oo aan cidina hadda garanayn taasi oo uu ku talaabsaday taariikh aanu samayn qof isaga ka horeeyay oo soo maray madax,ama ku nool dhulalka Soomaalidu dagto ee ku kala filiqsan Geeska Afrika sida Somaliland,Soomaaliya,Dawlad deegaanka Soomalida ee Ethiopia,Jibouti iyo Koonfur Barri Kenya oo ay iyagana ku dhaqan yihiin dad Soomaaliyeed,marka laga tago Siyaasadda oo lagu kala qoqoban yahay ama lagu kala aragti duwan yahay may dhicin si’uun inuu hogaamiye Soomaliyeed ka dhabayn karo waliba labadii xoroobay 60-kii waa Somaliland iyo Soomaaliya oo jiray mudo isku gayn ah 58 sanno kuwaasi oo laga filayay inay arrinkan oo kale ku talaabsadaan xilli hore. Waxa in la xuso u baahan in Madaxwayne Siyaad Barre ku tiraabay in uu aasayo Qabyaaladda oo dadku isku mid yahay laakiin ma noqon wax dawo u noqota arrinkaa ku dhisan Hayb-sooca aan lahay sabab diimeed iyo mid Caqliyeed toona ee dadkaa lagu hayay mudo dheer oo aanay iloobi doonin.

 

Somaliland ayaa haysatay fursad ay wax kaga badali karto dhibaatadaa mudo 30 sanno ku dhow oo ay jirtay lana soo noqotay Madaxbanaanideeddii,iyadoo Hogaamiyaha hadda Waa Muuse Biixi ee iska daa arrinkaa oo uu wax ka qabtee ku Aflagaadooday Cali Cabdi Saai’q oo ka tirsanaa Xisbiggii Kulmiye kaasi oo ka uriyay inuu u janjeedeho Xisbigga Waddani taasi oo xataa haddii ay jirtay la odhan karo waa uu u madax banaanaa inuu cabiro aragtidiisa siyaasadeed ama ku biiri karo Xisbigga uu doono oo aanay ka reebayn Ardaaga uu ka soo jeedo iyo wax la mida,waxaa la odhan karaa waa fursad ay lumisay Somaliland oo ay heli karaysay inay tirtirto Caadadaa foosha xun oo soo taxnayd mudo dheer oo dadka qaar badani xusuusan karaan guurkii badhtamihii Todobaatameeyihii ka dhacay Hargaysa taasi oo ay is Calmadeen Kinsi Axmed Nuur iyo Xariir Cabdillahi Garab-adhi taasi oo Hargaysa oo dhami isla uugaanatay guurkaa kaasi oo aan si xaq ah loogu gar- naqin Xariir aakhirkiina gayaysiiyay inay kala tagaan Afadiisii Kinsi Axmed Nuur.

 

Waxaan isna jecelahay inaan halkan ku soo hadal qaado Alle ha u naxariisto e’ Cabdikariim Shabaash oo ku tiraabay Qabiilku qiil ma leeyahay? waxaan hor Ilaahay u leeyahay mayee Cabdikariimoow wallow aad maanta mootantahay oo tii Alle kuu timi,waxa kale oo aan jecelahay

inaan xuso dadka la majeeran karo ee ka soo jeedda Qabaa’ilka laga gardaran yahay anigu uma aqaan ugu mana yeedho la haybsooco waayo sababta loo haybsoocayo ayaanba cadayn oo cid tilmaami kartaa aanay jirin ee la iska daba qaatay uun qof walibana uu ku tiraabay weedho aanu ka fiirsan aan u soo noqdo ee yaa heli kara Cabdillaahi Cabdi Shube, Maxamed Saleebaan Tubeec, Cumar Dhuule Cali, Xuseen Aw-faarax Dubad, Xuseen Yuusuf Tarabbi, Yuusuf Maradoon, Faarax Guuleed Samatar, Xasan Graydh, Caasha Yoonis, Caasha Cige, Faadumo Duur, Cabdi Tahliil, Cabdi Cali Bacalwaan iyo ku dar uun yaa heli kara oo taariikhda ka masaxi kara? cidna.

 

Aan u soo noqdo mawduucayga ee Cabdi Maxamuud Cumar halyey la mahadiyay oo ku xardhan taariikhda Soomaaliyeed waligii qabtay inta ay tahli kari waayeen Aadan Cabdille Cismaan”Aaden Cadde”, Cabdirashiid Cali Sharmaake, Maxamed X.Ibrahim Cigaal, Maxamed Siyaad Barre, Xasan Guuleed Abtidoon, Cabdiraxmaan tuur, Siilaanyo iyo Biixi hadda oo aan laga filayn xataa wax u dhow,cid kastaa ha iska hadashee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hantiyay Koobkii guusha taariikhda Soomaaliyeed hogaamiye soo maray xataa ka dabagee Sayid Maxamed Cabdille Xasan aan idhaahdo taarikkhda ayaa ku xusi waligaa xataa marka aad dhimato ee aad Addunka ka carowdo ee aad ka hoyato tan aan lagu waarayn, aniguna waxaan kuu balan qaadayaa inaan mar mararka ka mida kuugu imaado xafiiskaaga oo aan kaaga mahadceliyo waxa aad tirtirtay ee aan Qiilka lahayn siduu uu sheegay Cabdikariin Shabaash waxaanu cod dheer ku leenahay ”Qabiilku Qiil ma leh” waxaana baabi’yay Cabdi Maxamuud Cumar oo horsed ka noqday baabiintiisa iyo buburintiisa,Lamaanaha 29 ahna waxaan Ilaahay uga baryayaa khayr iyo barwaaqo iyo in Ilaahay ubad isku siiyo khayr qaba oo ubadkaasi horsed ka noqdaan tirtirida caadadan foosha xun waxaanan filayaa inaan booqan doono qaar ka mida lammaanayaasha ku naaloonaya neecawda burburinta kala qoqobka dadka walaalaha ee Soomaliyeed oo xataa haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Siyaasadda aanay ahayn inay ku kala aragti duwanaadaan walaaltinimadda iyo inay yihiin kuwo wadaaga isirnimo iyo wax kasta oo oo la wadaago inaba aan la arki Karin wax farqi ah oo u dhexeeya xataa haddii la soo qaato Waynayso oo Unugyadda jidhkooda lagu eego, U fiirso Prince Harry oo guursaday Meghan iyagoo  kala duwaanshiiyo la muujin kara kala duwan haddan Arooskoodii loo dabaal dagi doono bishan May ee aan ku jirno anigoo ka mid noqon doona kuwa TV ka daalacan doona iyadoo aanan nasiib u helin inaan Lamaanaha 29 ee jigjiga ku aqal galay nolol tii ugu macaanayd ku garab istaago habeenkii Xafladda arooskooda, haddana halkii aan joogay ayaan duco iyo hambalyo uga soo diray waxaan leeyahay noqda kuwii aan ku hodmin guurka ee ku badhaadha Cabdi Maxamuud Cumarna aan idhaahdo

Geesi aan gaban oo ka soo dhex mudhay intii Soomaali u soo talisay noqo mid aakhiro Janno hela Addunkana ciso ku noolaad noolaada inta baaqi kaaga ah noloshaada.

 

Waxaa Qoray Cabdi Muxumed

Cabdimuhumed60@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker