Madaxweynaha Somaliland oo Bogaadiyey Madaxweynaha Turkiga ee Dib Loo Doortay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan oo dib loogu doortay xilka, kadib markii uu doorashadii guud ee waddankaas ka qabsoontay toddobaadkan si aqlabiyad ah ugu guulaystay.
Siday ku warantay  wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Waxa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu sidaas ku sheegay farriin uu maanta ku daabacay bartiisa Twitterka.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray in  Madaxweynaha Turkigu uu maamulkiisa suubban  guul iyo barwaaqo ugu horseeday  dalkiisa iyo dadkiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker