Yaa Ka Dambeeyey Mudaharaadka Shalay ka Dhacay Magaalada Berbera?.

 Xulufo Iskugu jirta Siyaasiyiin, Masuuliyiin xilal ka haysa Xukuumada iyo Saxafiyiin Beeleedyo, dhamaantood ujeedooyin Siyaasadeed ka rux-ruxanaya Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa lala Xidhiidhiyey inay ka dambeeyeen abaabulka Mudaharaadkii Xalay Fiidkii dadweyne lasoo khalday ka dhigeen Albaabka Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera.
Shaqaaqadaas oo War-xumo tashiilku buunbuuniyey, isla markaana la iskaga hor-keenaayey laba Beelood Walaalo ah oo ku wada nool gobolka, kaddib markii kooxdaasi mu’aamaradaysay Alla ha u naxariistee Geerida Taliyihii Degmada Sheekh Abdaal Marxuum Cabdile Cabdi Dhinbiil, oo ku Geeriyooday Shil baabur, xili uu deegaanka Dalow ugu baxay hawlgal uu damacsanaa inuu ku kala dhex-galo soo daminta shaqaaqo u dhaxaysay laba Beelood oo Geel kala dhacay oo reer Abdaal ah.
Wararka xaqiiqada Biyo kama dhibcaanka ah, ayaa ah inuu Shil ku galay Gaadhigii ay hawlgalka kusoo fulinaayeen Taliye Marxuum Cabdile Cabdi Dhinbiil Iyo Niman boolis ah oo tiradooda lagu sheegay lix ilaa shan Kamid ahaa Askartiisa, waxanu gaadhigu kula qalibmay deegaanka Dalow, markii ay ka baxeen Magaalada Sheekh Abdaal.
Taliye Marxuum Cabdile Cabdi Dhinbiil, ayaa Ilahay qadaray inuu ku geeriyoodo Shilkaa u la galay Gaadhigu, halka Askarta kalena dhamaantood tahay dhaawacyo kala duwan, oo qaarkood la sheegay inay xaaladoodu culus tahay.
Haddaba, iyaddoo ay sidaas tahay xaqiiqada dhab ah ee geerida rabbi naxariistii jano haka waraabiyee Taliye Cabdile Cabdi Dhinbiil, ayaa waxa Fidmo Huruday siidhiga u qaatay oo toosiyey shaqsiyaad xumaan wadayaal ah, oo mudooyinkii u dambeeyeyba guuxayey, kuwasoo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waayey danno Siyaasadeed, oo ay ka lahaayeen, sidaas daraadeedna in dhoweydba daaha-dabadiisa kaga hawlanaa turun-turooyin ay ku hayaan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.
Waxanay Xulufadan sharku isla markiiba mu’aamaradaysay Geerida Taliye Marxuum Cabdile Cabdi Dhinbiil, kuwasoo fadhiga kasoo kiciyey dhaqan Ugub ku ah dalka, iyagoo Go’a usoo tuuray Beesha uu kasoo jeedo Taliyihii Shilka gaadhi ku geeriyooday ee Abdaal, waxanay isla markiiba lasoo boodeen “Waa la Dilay Taliyahaga” ee hanaloo baadho, isla markaana waxay diideen in la aaso Marxuumka Geeriyooday, iyadoo ay sidaas tahay,  Lana waayey wax haba yaraadee tuhun ah in la shirqoolay Taliyaha, ayey mar kale kooxdan sharku soo abaabuleen Mudaharaad lagaga hor-tagaayo in la Aaso Taliyihii ku Geeriyooday shilka gaadhi ee Degmada Sheekh Abdaal. Waxanay dadweynihii naxliga iyo beenta lagu soo shubay Mudaharaad ka hor dhigeen Cisbitaalka Berbera, kuwasoo ku gubay Taayero Iyo Dhagxaan ay ku jareen wadada Dhakhtarka weyn soo gasha.
Haddaba xogaha la xidhiidha cidda daaha dabadiisa ka hagaysay Mudaharaadkan, ayaa waxa kow ka ahaa oo isaggu u banbaxay faafinta borobagaandada Geerida Taliye Marxuum Cabdile Cabdi Dhinbiil, Telefiishanka Eryal Tv oo isaggu madaxa isku geliyey laba beelood, isla markaana ku keliyeystay baahinta iyo baro-bagaandada Mudaharaadkaa ka hor dhacay Cisbitaalka Berbera.
Waa kuma Mulkiilaha rasmiga ah ee Telefiishanka Eryal?.
Telefiishanka Eryal waxa la furayn badhtamihii 2017-kii xilligii Ololihii doorashadii Madaxtooyadda, iyadoo dhaqaalihii lagu furayna laga bixiyey xilligaas madaxtooyadda, waxana dhaqaalahaas si toos ah u bixiyey Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo u dhiibtay Wiil u Adeer u yahay oo iska lahaa Shabakada Caynabanews, waxana Liisanka lagu furay Telefiishankan gacantiisa ku qaaday Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi, kaasoo isaggu leh damac Siyaasadeed oo ah inuu dhaxlo dumaasha jagada Gudoomiyaha Kulmiye, waxana xusid mudan in mudooyinkan u dambeeyey Ex. Wasiir Maxamuud Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uu ka dhexeyey xafiltan, tan iyo Maalintii Madaxweyne Muuse ka joojiyey Shirkadii amniga Madaarada oo u dhaqaalaha Barkinka iyo amniga si toosa u qaadan jiray Maxamuud Xaashi, waxa uu bilaabay in si badheedh ah uu kolbaa daaha dabadiisa Xukuumada ugala soo dagaalamaayo.
Teeda kale, Wararka Naxligu jiifo ee Wasiirka Maxamuud Xaashi ka baahiyey Geerida Taliye Marxuum Cabdile Cabdi Dhinbiil, ayaa ahayd inuu isku xidhiidhiyey Dilka Taliyihii hore ee degmada Berbera Marxuum Casayr, arrinkaas oo uga jeedo inuu Beelaayo dhacay oo u waxku helo.
Docda kale, Waxa weli xilal ka haya laamaha Xukuumada ee gobolka Saaxil laba masuul oo u Macalin Siyaasadeed u ahaa Ex. Wasiirka Maxamuud Xaashi, kuwasoo iyanna la sheegay inay qayb ka ahaayeen murginta Xaajada Geerida Taliye Marxuum Cabdile Cabdi Dhinbiil. Labadaas masuul ee iyaggoo ka tirsan Xukuumada, hadana isku dirka iyo xasilooni darada gobolka ka abuuraya, ayaa kala ah Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde iyo sidoo kale, Xoghayaha gobolka oo isna kaba sii shar badan kan dawlada hoose la soco.
saylacnews23@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker