Maraykanka.oo Somalia ka Caawinaya Hawlgalka Octave Quartz

Washington (OWN) – Dowladda Mareykanka ayaa markab weyn oo kuwa dagaalka ah usoo dirtay xeebaha Soomaaliya, xilli ay qorsheyneyso inay dhammaan cidiamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, toddobaadyada soo socda.

 

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in markabka USS Hershel “Woody” Williams, oo u shaqeeya sida saldhig militari oo kale, loo soo diray xeebaha Soomaaliya, si uu u taageero howlgalka loogu magac daray OCTAVE QUARTZ.

 

Howlgalka OCTAVE QUARTZ waa howlgalka ciidamada Mareykanka looga saaray Soomaaliya, ayada oo lagu gaynayo goobo kale oo ka tirsan Bariga

 

Markabka USS Hershel “Woody” Williams ayaa la filayaa inuu xeebaha Soomaaliya kusoo gaaro laba toddobaad gudahood, ayada oo ciidamada Mareykanka ay qasab tahay inay ka wada baxaan Soomaaliya kahor 15-ka Janaayo 2021, sida uu amray madaxweyne Donald Trump. Trump ayaa xilka ka degaya 20-ka Janaayo 2021.

 

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.

 

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.

 

Illaa iyo hadda ma cadda tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo Soomaaliya, hase yeeshee Waaxda Gaashaandhigga ayaa u muuqata inay soo jeedineyso in dhammaan ciidamada Mareykanka dib loogu meeleyn doono meelo kale oo Africa ka mid ah, iyo saldhigyo kale oo gobolka ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker