Elon Musk oo go’aan ku qaatay afti uu u soo bandhigay dadka isticmaala Twitter

Elon Musk ayaa sheegay inuu ka fadhiisan doono shaqada madaxa twitter-ka marka uu helo qof la wareego maamulka guud ee shirkadda Twitter-ka.

Musk ayaa ballanqaaday inuu tixgelin doono natiijada afti uu u soo bandhigay dadka isticmaala barta twitter-ka oo uu ku weydiinayay inay u codeeyaan “haa” haddii ay rabaan inuu ka fadhiisto maamulka shirkadda twitter.

Isbadellada ka dhacay twitter-ka tan iyo markii uu Elon Musk la wareegay ayaa si weyn loo cambaareeyay.

La wareegitaanka Elon Musk ee Twitter-ka ayaa sababay dood joogto ah oo ku saabsan mustaqbalka madashan – xitaa dawladda Maraykanku waxay muujisay “walaaca ku saabsan awoodda ay leeyihiin warbaahinta bulshada ee waaweyn”.

Balse la wareegitaanka Musk ee goobtan oo ay ku baxday lacag $44 bilyan ah ayaa sidoo kale iftiimisay “taariikhdiisa wax kusoo qoridda twitter-ka” taas oo muran abuuri jirtey markaa kasta oo uu wax soo qoro bilyaneerkan ku dhashay Koonfur Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker