Ninkii Labaad Oo La Noolaa Cudurka HIV Oo La Daweeyey

Qof bukaan ah oo ku nool dalka UK ayaa la sheegay in markii la baaray jirkiisa laga waayay cudurka HIV-ga oo uu markii hore qabay, sababtana waxa ay tahay kadib markii lagu talaalay unugyo cusub, kuwaas oo looga bixiyay qof dhintay oo la sheegay in jirkiisa uu lahaa adkaysi badan.

 

Balse dhaqaatiirta ayaa ka foojigan in ay ku dhawaaqaan in dawo loo heley HIV-ga oo la ogyahay in uusan wax daawo ah lahayn.

 

Waa qofkii labaad oo qaabkan lagu daweeyo, waxayna cilmi baarayaasha sheegeen in qaabkan uu yahay mid aanan ku habboonayn dadka xanuunada kale ka fayoow ee balse qaba HIV-ga oo isugu horseeda cudurka AIDS-ka.

 

Bukaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa joojiyay qaadashada dawooyinkii kaalmaatiga ahaa ee HIV-ga.

10 sanno ka hor, Timothy Brown ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee gabi ahaanba laga daweeyay cudurka HIV-AIDS kadib markii lagu shubay dhuuxa lafaha oo uu leeyahay qof dhintay oo adkaysi u lahaa cudurada jirka soo weerara.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker