Faahfaahin ka soo baxaysa nin tabliiq ahaa oo Muqdisho ku dilay Imaam masjid

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidanka boliiska ee Saldhigga degmada Warta nabadda ay saaka gacanta ku soo dhigeen nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka masaajid oo ku yaala deegaanka Garasbaaleey, sida ay sheegtay warbaahinta Qaranka.

Ninkan oo la sheegay inuu ahaa tabliiq in muddo ahna ku sugnaa masaajidka ay dhacdadaan ka dhacday ayaa sidoo kale dhaawacay mu’adinkii masaajidkaas.

Dhacdadaan oo shalay oo ay bishu ahayd 29 bisha Maarso ka dhacday deegaanka Garasbaaleey ayaa wararku waxay sheegayaan in ninkan oo ku hubaysnaa baangad uu galay masaajidka ka hor inta uusan dilka gaysanin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker