Soomaaliya Oo Diiday in Dib Loo Dhigo Dacwadda Kiiska Badda ee ICJ

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo dalab ay sheegtay in dowladda Kenya ay u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), si dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada dhinaca badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa.

Kiiskan ayaa horey dib loogu dhigay saddex goor, waxaana haddii mar kale la aqbalo codsiga Kenya ay noqoneysaa markii afaraad.

Hase yeeshee wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo tallaabada Kenya ka jawaabeysa ay qoraal u gudbisay Maxkamadda, ayna ku caddaysay in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwadda bilaabanaysa bisha March, oo aysan dooneyn dib u dhigis kale.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker