Afghanistan: Qarax Ismiidaamin Ah oo Sababay Dhimasho tIyo Dhaawac
Qarax Ismiidaamin ah oo dad badan ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen ayaa maanta xiligii salaada Jimcaha lagu qaaday Masaajid weyn oo kuyaala Koonfur Galbeed Gobolka Kunduz ee dalka Afganistan .
Masjidka Qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ku cibaadeesanayay dad kasoo jeeda Shiicada laga tiro badan yahay ee dalka Afganistan, waxaana qaraxa uu dhacay xili masjidka dad badan gudihiisa joogeen.
Dad ku dhaw 100-qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qaraxan xoogan ee lagu qaaday masjidka halka tiro kale oo badana ku dhaawacmeen, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay kasii bataan.