Maxkamad go’aan ka gaadhaysa in Trump uu isasoo sharrixi karo doorashada sannadkan ee Maraykanka

Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhageysan doonto dacwad taariikhi ah oo lagu go’aamin doono in Donald Trump uu u tartami karo madaxtinimada dalka Mareykanka iyo in kale.

Garsoorayaasha ayaa isku raacay in la qaado racfaanka Mr Trump ee ka dhanka ah go’aanka Colorado ee looga saarayo doorashada 2024 ee gobolkaas.

Kiiska ayaa la dhageysan doonaa bisha Febraayo, waxaana xukunka uu ka dhaqan geli doonaa dalka oo dhan.

Dacwooyin ka socda gobolo badan ayaa doonaya in Trump loo diido doorashada, iyaga oo ku andacoonaya in uu ku lug lahaa kacdoonno rabshado ka dhacay dhismaha dawladda ee Capitol saddex sano ka hor.

Caqabadaha dhanka sharciga ah waxay ku xiran yihiin in wax ka beddelka dastuurka ee xilligii dagaalladii sokeeye uu Mr Trump ka dhigayo mid aan u qalmin inuu isu soo sharaxo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker