Daawo: Waa Tee Kooxda Sannadka Ee Qaaradda Yurub Ugu Fiicnayd Xili-Ciyaareedkan

Horyaallada Qaaradda Yurub ee xili ciyaareedkan ayaan wali si rasmi ah loosoo gabogabaynin iyadoo ay dhamaad kusii dhowdahay bisha May, waxaana qaarkood mar horeba lagu dhawaaqay in la kansalay, halka kuwo kalena dib loo bilaabayo bisha June.

 

Horyaalka Bundesliga ee Jarmalka ayaa kulamadii saddexaad la ciyaaray toddobaadkan kaddib markii dib loo bilaabay usbuucii hore, hase yeeshee Serie A, LaLiga iyo Premier League ayaa intaba loo qorsheeyey inay bisha June soo laabtaan.

Tartanka Champions League ayaa kasii dambayn doona oo August horraanteeda dib loo bilaabi doonaa, waxaana ku dhowaad shan bilood oo uu fasax u ahaa caabuqa Korona oo gebi ahaanba albaabada u laabay garoomada qaybta dambe ee bishii March illaa hadda.

 

 

Shanta horyaal ee waaweyn Yurub, waxa la kansalay oo aan la bilaabi doonin Ligue 1-ka Faransiiska oo koobka loo caleemo-saaray PSG, balse afarta kale ee hadhsan ayaa Jarmalka bilaabmay mooyee saddexda kale ay June sugayaan.

 

 

Ciyaartoydii ugu fiicnaa xilli-ciyaareedka 2019/20 ee illaa hadda, waxa intooda ugu badan ku yeelatay Liverpool oo wacdaro ka dhigaysa horyaalka Premier League, una dhow in markii ugu horreysay muddo soddon sannadood ah la guddoonsiiyo, iyadoo laba guulood oo kali ahi uga hadhsan yihiin dabbaal-degga.

 

 

Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa qiimaynta ay warbaahintu samaysay kaga horreeya Ter Stegen iyo Thibaut Courtois qiimaynta sannadka, waxaanu kusoo baxay goolhayaha illaa hadda ugu fiican Yurub.

 

 

 

Difaacyahannada garbaha Liverpool ee Trent Alexander-Arnold iyo Andy Robertson ayaa baallaha ugu fiican kusoo baxay, waxaana soo raacay oo difaaca dhexe ah Virgil van Dijk oo qalbi-asadka Liverpool ah iyo Raphael Varane oo Real Madrid ka tirsan.

 

 

 

Dhexdii ugu wanaagsanayd ayaa loo dorotay Kevin de Bruyne oo sannadkan wacdaro ka dhigay Premier League, isla markaana sameeyey 18 caawimood oo u suurtogelinaya inuu dhaafo rikoodhkii Thierry Henry ee 20-ka caawimood ee horyaalka Premier League.

 

 

 

Da’yarka reer Germany ee Kai Havertz oo Bayern Leverkusen u ciyaara ayaa De Bruyne kusoo labeeyey, halka Neymar, Sadio Mane iyo Lionel Messi ay garbaha weerarka iyo dhexdaba soo galeen.

 

 

 

Weeraryahanka ugu fiican xili ciyaareedkan illaa hadda waxa kusoo baxay da’yarka PSG ee Kylian Mbappe oo ku garaacay Roberto Lewandowski, Erling Haaland, Cristiano Ronaldo iyo Sergio Aguero.

 

 

Kooxda oo dhamaystiran:

Goolhaye: Jan Oblak (Atletico Madrid)

Difaaca: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Raphael Varane (Real Madrid), Virgil van Dijk (Liverpool), Andy Robertson (Liverpool)

Dhexda: Kevin De Bruyne (Manchester City), Kai Havertz (Bayer Leverkusen), Lionel Messi (Barcelona), Neymar (PSG)

Weerarka: Sadio Mane (Liverpool), Kylian Mbappe (PSG)

 

Daawo: Falan-qaynta Dhamayska tiran ee Ciyaaraha

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker