Oodweyne News - Latest Somali News Update

Ururada madaxa-banaan oo saaray warbixin ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyadda

Ururada Madaxa-banaan ee Bulshada Rayidka ah (ISCO Somaliland) waxaay soo saaareen maanta, 8 September 2019, warbixin ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland, kuna soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah oo looga gol leeyahay in lagu horumariyo nidaamka dimoqraadiyadeed iyo talo-wadaag ee dalka.
Warbixintu waxaay xustay in taariikh ahaan ay Somaliland soo mareen dhacdooyin kala duwan oo saamayn ku yeeshay geediga loogu jiro in la xoojiyo dawladnimo ku dhisan talo wadaag iyo awoodda shacabka.
In lagu qaban kari waayo doorashooyinka xilogooda sida uu waajibiyay dastuurka iyo halbeegyada caalamiga ahi waxaay su’aal gelinaysaa awoodda bixinta shacabka iyo meqaamka dimoqraadiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay aduunka ay ka raadinayso ictiraafka. Mudo korodhsiga iyo dib u dhigitsta doorashooyinka ee la caadaystay waxay waxyeelo ku yihiin dimoqraadiyadda Somaliland iyo magac samida dalka. Nidaamkaas dib u dhaca ku suntan waxaay Somaliland qaaday sanadihii 2007/2008 oo ah wejigii labaad ee geediga doorashooyinka.
Markii dastuurka la ansixiyay sanadkii 2001dii, Somaliland waxaay si degdeg ah oo waxtar leh u qabatay doorashooyin is daba taxan sanadihii 2002, 2003 iyo 2005. Wejigii labaad ee doorashooyinka ee u qorshaysnaa inuu bilaabmo sanadkii 2007 ayaa fashilmay. Dalkii wuxuu intaas kadib galay is marin waa iyo siyaasad cakiran.
Nidaamka madaniga ah ayaa soo kogay, halka khadka u dhexeeya ururada bulshada rayidka ah iyo dawladdu uu mad madow galay. Waxa lagu doodi karaa in nidaamkii dimoqraadiyadeed uu hoos u dhac ku yimi. Iyada oo ay jiraan caqabadahaasi, hadana Somaliland waa dal amni ah, qayb ahaanna xor ah (partly free), sida ay shegtay Freedom House. Doorasho madaxwaynenimo ayaa la qabtay 2017 kii. Somaliland na weli waa dal dimoqradiyad ah oo ku yaal gobol qasan.
Warbixintani waxaay u aragtaa in caqabadahan ay hortaagan yihiin geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland:
Isk xukunka dastuurka oo liita: dastuurka oo aan loogu dhaqmin sida uu u qoran yahay;
Qabyaalada oo xoog ku leh xisbiyada dhexdooda;
Qabyo dhinaca shuruucda ah oo jirta; shuruucda la xidhiidha doorashooyinka oo aan dhamaystirnayn, qaarkoodna aanay jirin ba;
Hay’adaha muhiimka u ah hirgelinta dawlad dhiska iyo doorashooyinka oo aan xooganayn;
Nidaamka doorasho oo aan u fiicnayn dadka reer guuraaga ah, dumarka iyo qabiilada laga tiro badan yahay; hanaanka doorasho ayaa ah mid u habaysan qaab waxtar u leh oo keliya dadka degan (reer magaalka);
Lacagaha xisbiyada soo gala oo aan xisaabsanayn; lama yaqaan meesha ay ka yimaadaan iyo sida loo qarash gareeyo toona; lamana xisaabiyo oo nidaam daah furan ma maraan;
Warbixintu waxaay bixisay talooyin si loo horumariyo dimoqraadiyadda, loo qabto doorashooyin xilligooda ku dhaca oo xor iyo xalaal ah, awoodda oo si nabad ah la isugu wareejiyo, kala sooca awoodaha, ka wada qayb qaadashada talada dalka, xorriyadda hadalka, madax banaanida warbaahinta iyo ka qaby qaadashada shacabka oo si xor ah u dhacda.

Talo soo jeedin
Ururadu waxaay kula talinayaan dawladda Somaliland:

In doorashooyinka lagu qabto xiligooda oo aanay dib u dhicin. Inay u qorshayso miisaaniyad sanadle ah doorashooyinka islamarkaana ay diyaariso jidwalka doorashooyinka loo qabanayo tobanka sanadood ee soo socda;
Inay furto wada tashi laga wada qayb qaato oo ay ku jiraan shacabka iyo dhamaan daneeyayaasha si loo raadiyo hanaan lagaga hortegi karo dib u dhaca ku yimaada doorashooyinka iyo korodhsiga mudo xileedka;
In dib u eegis lagu sameeyo nidaamka doorasho oo ay ku jiraan diwaangelinta cod bixiyaha, habka codaynta iyo wacyigelinta bulsho si wax looga qabto dhinac u riixa nidaamku ku hayo haweenka, beelaha la hayb sooco iyo reer guuraaga;
Inay ixtiraamto madax banaanida bulshada rayidka ah iyo warbaahinta. Sidaasdarteed, dawladdu waa inay joojiso xeerarka ciqaabta ee ay u isticmaalayso warbaahinta, iyo xayiraadaha ay saarayso warbaahinta; sidoo kale waa inay ogolaato in daladaha bulshada rayidka ahi ay is diiwaangeliyaan. Dawladdu waa inay ula shaqayso ururada bulshada rayidka ah si siman oo aanay ururo/dalado gaar ah mudnaan siinin;
Inay dib u habayn ku samayso xeerarka ka horeeyey dastuurka ee ay ka mid yihiin Xeerka Ciqaabta , Xeerka Habka Ciqaabta, Xeerka Madaniga iyo Xeerka Habka Madaniga. Dawladdu waa inay abuurto gudi madax banaan oo dib u habaynta shuruucda qaabilsan. Dib u habayntu waa inay tahay mid ku dhisan wada tashi loo dhan yahay;
Inay qaado qiimayn ay ku ogaanayso hanaanka u wanaagsan ee dib u qaabayn loogu samayn karo hay’adaha dawladeed si loo waafajiyo dastuurka Somaliland;
Inay u qoondayso miisaaniyad in wacyiga iyo aqoonta reer guruaaga iyo bulshooyinka tuulooyinka degan kor loo qaado. Xogtu waa u muhiim dimoqraadiyadda iyo in muwaadinku qaato go’aano xog ku dhisan. Warbaahintu waxaay ku xoogan tahay magaaloyinka, sidaasdarteed reer guuraaga iyo dadka tuulooyinka degani ma helaan xog ku filan. Markaa waa in dawladdu ogolaato furintaanka idaacado gaar loo leeyahay si ay u buuxiyaan kaalintaas.
Ururadu waxaay kula talinayaan Baarlamaanka:

Inuu ansixiyo xeer gaar ah oo abuuraya gudida doorashooyinka oo madax-banaan, xoogan islamarkaana u dhisan qaab maamulkiisu hoos u daadejisan yahay;
Inuu ansixiyo kooto 33% ah oo laga siiyo haweenka labada aqal ee Baarlamaanka, golayaasha deegaanada, golaha wasiirada, iyo madaxda sare ee fulinta sida agaasimayaasha guud iyo madaxda gudiyada, wakaaladaha iyo hay’adaha xukuumadeed;
Inuu u ansixiyo kooto beelaha la hayb sooco;
Inuu ansixiyo xeer koobsanaya dhamaan arimaha doorashooyinka oo dhan. Hanaankaas oo ay tahay inuu ka dhasho wada tashi loo dhan yahay oo laga wada qayb qaato;
Inuu wax ka bedel ku sameeyo Xeerka Diiwaangelinta Ururada Siyaadda iyo Ansixinta Xisbiyada. Xeerka waa in lagu daro qodobo aan mad madow lahayn oo ka hadlaya lacagta soo gasha xisbiyada, xubnaha xisbiga, iyo in hogaanka xisbiyada lagu tartamo oo dimoqraadiyadi ka jirto xisbiyada dhex dhooda. Xeerku waa inuu maaro u helo qabyaaladda ka dhex jirta xisbiyada;
Inuu wax ka bedel ku sameeyo Xeerka Nidaamka Garsoorka oo u ku daro qodobo xoojinaya madax banaanida garsoroka. Xeerku waa inuu u damaanad qaado garsoorayaasha inaan shaqada laga eryi karin. Magacaabista garsoorayasha Maxkamadda Sare waa inay ku dhisan tahay karti iyo aqoon, waana in magacaabistooda iyo erigooda uu ansixiyaa Baarlamaanku. Waa in lagu daro Xeerka qodobo ka hadlaya oo faah faahinaya qaabka loogu gudbin karo Maxkamadda dacwadaha dastuuriga ah iyo kuwa la xidhiidha doorashooyinka, heer kasta oo uu marayo geediga doorasho.

Ururadu waxaay kula talinayaan xisbiyada siyaasadda:

Inay xaqiijiyaan daah-furnaan oo ay shaaciyaan lacagaha soo gala, halka ay ka soo galaan iyo qaabka ay u qarash gareeyeen, waana inay ogolaadaan hanti dhawr madax banaan oo gala xisbiyada;
Inay xisbiyadooda ku soo dabaalaan dimoqraadiyadda oo ay diiwaangeliyaan lana siiyo shahaadooyin sugitaan xubnaha xisbiga ee dalka oo dhan, ay ogolaadan in xubnaha xisbiyadu ay noqdaan kuwa dooranaya madaxda xisbiga iyo ergooyinka islamarkaana ay xaqiijiyaan in hogaanka xisbiyada oo ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha, xogahayaasha guud, iyo golaha dhexe inay si toos ah oo dimoqraadi ah u doortaan xubnaha xisbigu.

Ururadu waxaay kula talinayaan ururada bulshada rayidka ah

Inay si firfircoon ugu shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa dimoqraadiyadda, ururada bulshada rayidka ahi waa inay mudnaanta siiyaan arimaha danta guud iyo wada shaqaynta;
Ururada bulshada rayidka ahi waa in shacabku la xisaabtami karo ayna horumariyaan ku xidhnaanta shacabkooda. Waa inay xoojiyaan daah-furnaanta;
Inay mudnaanta siiyaan madax-banaanida, xisbinimada oo ay ka fogaadaan, iyo dhex-dhexaadnimada;
Iyaga oo aan eegayn raadka siyaasadeed ee ay ku keeni karto, waa in urarada bulshada rayidka ahi ay mudnaanta kowaad siiyaan baahiyaha, walaaca iyo rabitaanka bulshada.
Ururadu waxaay kula talinayaan bulshada caalamka

Inay sii wadaan taagerista geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland;
Inay taageeraan isku dayada ku aadan sidii loo horumarin laha isla xisaabtanka iyo ka qaybka galka shacabka ee go’aan gaadhista;
Inay taageeraan dadaalka loogu jiro in kooto loo helo haweenka iyo beelaha la hayb sooco;
Inay la shaqeeyaan daneeyayaasha si dib u habayn loogu sameeyo hay’adaha iyo shuruucda si loo kobciyo dimqoraadiyada, fagaaraha bulsho, isku xukunka dastuurka iyo xuquuqal insaanka;
Inay is-garab taagaan madax banaanida ururada bulshada rayidka ah iyo warbaahinta.
Ururada soo saaray warbixintu waxaay ku midaysan yihiin is bahaysiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa banaan (Independent Civil Society Organistions “ISCO Somaliland”) oo ay ku soo biiri karaan urur kasta oo ujeedadiisu tahay inuu ka shaqeeyo danaha guud ee shacabka si madax-banaan. Xubnaha hada ku jira waa:
Centre for Policy Analysis
Centre for Youth Empowerment,
COMPAD Human Rights and Community Organization
Garsoor Social Development organisation
Horseed Organisation
Hope Development organisation
Human Rights Centre
Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO)
Somaliland Street Children Rehabilitation Centre
Somaliland Women Association (SOWA)
Somaliland Women Development Centre (SOWOD)
Voice for Somaliland Women Minority Organisation (VOSOMWO)

Wixii faah faahin ah kala xidhiidh:
ISCO Somaliland
Ms Sahra Mohamed Ali
Mobile: +252 63 4329950
Email: iscosomaliland@gmail.com
Twitter: @ISCOSomaliland