MAFILIYNIN GURYIHII DAWLADA EE DANTA GUUD IN MASUUL AQALKA SARE KAMID AHI HAYSTO XILIGAN 2019!!

Muuse suudi yalaxoow weeye sawirkan kor ku xusan. waxa uu kamid ahaa ragii dagaal oo gayaasha ahaa ee dhashay markii dalka soomaaliya dawladii burburtay 1991dii, ee meesha ay kabaxday sharci nidaam iyo kala danbayntii.Madoonaayo mana aha in aan shaqadii muuse ee lasoo dhaafay kahadalo.Muuse waxa uu kamid noqday dawladii kumeel gaarka ahayd ee 2004 lagu soo dhisay dalka kenya. ugu danbayntiina waxa uu nasiib u helay in uu kamid noqdo dawlada hada jirta oo uu helay xilka xubinimo aqalka sare ee kamid ka ah labada aqal ee soomaaliya.

Waxaa hubaal ah in ragii dagaal ooga yaasha ahaa, inta nooli maanta aysan ka boodi karin geedkii ay shalay ka boodeeyeen,iyadoo ay jirto sababo xaga dada ah,xanuuno ka dhashay hawlihii cuslaa ee ay ku dhex jireen iyo marxalada soomaaliya oo isa soo badalaysa xiliba xiliga ka danbeeya,oo uu dhacay isbadal xoog lihi.

Hadaba waxay noqdeen kuwo la jaan qaaday duruufta isbadal ee dhacday,oo u xuubsiibtay in ay ka shaqeeyaan nidaamka dawladnimo ee dalka soomaaliya iyo kuwo gaabsaday oo shacab iska noqday ku nool dibada ama dalka gudihiisa.Maskaxdii shalay ee dagaal oogaha soomaaliyeed oo ahayd dumin iyo rag iska dhici iyo dawlad diidnimo iyo maskaxda maanta dalkeena taal oo ah dawladnimo iyo dhisid dalkeena waa laba marxaladood oo aad ukala fog una kala duwan. waxaana khasab ah in lakala gartaa labadaa marxaladood oo aysan iska kaa dhex yaacin.

Dagaal oogayaasha dalkeenu waxay u bateen kuwo leh khibrad ay dhaxleen oo ah wixii dad iyo maal inooga burburay dagaaladii qabiil iyo iskooxaysi ee dalkeena ku burburinay iyo dadkeena,sidaa daraadeed waxay aad u fahmeen khasaarihihii iyo foolxumadii lagu hoogay ee aan waxba laga dhaxlin ilaa dhib iyo khasaare mooyee. Tanaa waxay keentay in ay u xuubsiibtaan dawladnimo oo ka shaqeeyaan dhismo qaran soomaaliyeed oo xor ah dawladayna garabka ku hayaan. Waxay iska diideen lana yaabaan qabyaalada iyo fawdada iyo dagaalka waayo waa jidkay soomareen ogyihiina khasaarihiisa.

Muuse waa ninkii maanta kasaarilahaa dadka dagan guryaha danta guud ee dawlada si dawladu ugu shaqayso waana hanti guud oo soomaali wada leedahay,laakiin ma filinayn maanta oo aan marayno 2019 akhyaartii noo fadhiday aqalka sare ee aan ku faano in ayba iyagii haystaan guryihii dawlada!! soomaaliyeey in aan intaa ka ilbaxsanahay ayaan u haystay laakiin waa liidanaa heerkan ma filanayn.

Muuse waa qof bili aadmi ah aadamuhuna waa khaldamaa taa aadba ulama siiyaabayo oo isagu waa qof kaliya,laakiin waxaa yaableh dadka usoo dhuunta muuse ee ciil ay u qabaan dawlada iyo in ay san guul gaarin u adeegsanaaya muuse oo hadafku yahay in beeshiisu kacdo lagana horgeeyo dawlada soomaaliyeed.

Miyaysan ogayn Muuse xataa markii uu ahaa mid kamid ah dagaal oogayaasha waxa uu ahaa ninka uugu macquulsan ee rabay dawladnimo,laakiin hada si kalaa markuu jilcay looga faa iidaysanayaa oo ragbaa dhagarta u dhigay ee muuse ma diidana in uu kabaxo gurigaas. Is iloobidaa muuse gurigaa isku iloobay ayay kuwo shayaadiin ahi ka faa iidaysta is yiraahdeen. laakiin ninkii raba in uu dawladaan la dagaalamoow haku gaban muuse iyo sheeko guri ee is cadee cid kaa caqli yar oo aad diraysaa majirto muuse iyo tolkiiba waa idin fahmeen yaad xabad isaga dhigee 30 sanadood kabacdi?

Horaa loo soo daawaday tuute la gashado shacabka lalaayo kadibna la yiraahdo dawladii aa idin dilayso!! dagaal dawlo ninkii rabo waa taas ha aado.

Gunaanadkii

Dadka soomaaliyeed nooc kasta oo ay yihiin,oo dagan dhisme ama dhul danta guud ah oo dawladu leedahay waxaa waa jib ah in ay kabaxaan. waana in aan baranaa waa maxay dawladi? dadku haduusan xishoonin waa ka liidanayaa xayawaanka.

 

 

Yuusuf Omar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker