Kaalin Shiidaal oo dab qabsaday Ciidamada Dabdemiska Berbera oo u gurmaday

Ciidanka Dab-demiska magaalada Berbera ayaa damiyay dab qabsaday Kaalin Shidaal Oo Ku Taala Xaafada Shacabka.

Sidoo kale waxaa iyadana ciidamada Dabdemisku damiyeen dab ka kacay Booyad, waxaana ciidamadu guud ahaanba xakameeyeen hantidii kaalinta, gaadiidkii iyo meheradihii u dhawaa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey Meheradihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Sababta Dabkan dhalisay waxaa ku socota baadhis.

Ciidanka Booliska degmada Wada-jir ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker