Budhcad-badeed Afduubay 11 Qof Oo Reer Yurub Ah

Koox Budhcad-badeed ah oo ka soo jeedda Nigeria oo afduub u geysatay shaqaale la socday Markab

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysay warbaahinta dowladda Poland ayaa shaacisay in budhcad-badeed reer Nigeria ah ay gacanta ku dhigeen 11 shaqaale ah oo u badnaa muwaadiniin u dhashay Dalka Poland.

Budhcadd-badeedda ayaa markabkaasi fuushay xilli uu marayay meel ka baxsan xeebaha Nigeria, iyagoo afduubtay 11 ruux oo 8 ka mid ah ay u dhasheen Poland, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah shaqaalaha markabka.

Weli lama oga dalalka ay u dhasheen 3-da ruux ee kale, hase-ahaatee budhcad badeedda ayeyna u suurta galin inay guud ahaan markabka la wareegaan.

9 ruux oo kale ayaa ka badbaadday afduubka, iyagoo aan wax dhibaato ah la gaadhsiin.

Maamulka shirkadda iska leh Markabkan oo siday koonteenarro badeecado ah ayaa xaqiijiyay dhacdada.

Bayaan ay Axaddii soo saartay shirkadda leh markabka oo fadhigeedu yahay dalka Poland ayaa lagu sheegay in subaxnimadii Sabtida ahayd uu weerarkaasi dhacay.

“Waxaan mudnaanta siineynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sii daayo 11-ka shaqaalaha ah, waxaana xidhiidh dhow la sameynay hay’adaha ay wada shaqeynta naga dhaxeyso iyo mas’uuliyiinta deegaanka, si ay arrintaasi u suurta gasho” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Shirkadda ayaa intaas ku dartay “Qoysaska ay ka soo jeedaan shaqaalaha la afduubtay waxaa la gaadhsiiyay macluumaadka la xidhiidha xaaladda”.

Balse, shirkadda markabka leh oo lagu magacaabo Midocean ayaa ka gaabsatay iney sharraxaaad ka bixiso dalalka ay ka soo kala jeedaan shaqaalaha la qafaashay.

Warbaahinta waddanka Poland oo soo xiganeysa Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Jacek Czaputowicz ayaa sheegtay in 8 ruux ay u dhasheen Poland.

Markabka la weeraray oo lagu magacaabo MV Pomerania Sky ayaa ku wajahnaa dekadda Onne ee dalka Nigeria.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalka Nigeria ayaa sheegay in isla-markii dhacdada lagu soo wargaliyayba ay billaabeen howlgal isugu jira baadhitaan, baadigoob iyo badbaadin.

Falalka afduubka ah iyo budhcad badeednimada ayaa aad ugu badan dalka Nigeria, waxaana kooxaha hubeysan ay inta badan dalbadaan lacago madax furasho ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker