Fardo Laysugu Joogo Maxaa Laysugu Faani !!!!!.

Shacabwaynaha Somaliland Haddii Ay Leeyihiin Damiir Muslim, Damiir Wadaniyadeed, Damiir Mustaqbal Xukuumadkasta Ama Xisbi Kasta Oo Doorashadda Madaxtooyadda Ku Guulaysta Way La Xisaabtami Lahaayeen, Xukuumadda Iyo Golaha Guurtidu Awood Uma Yeesheen Inay Ku Hamiyaan Ama Ku Dhiiradaan Ama Ku Dhawaaqaan Muddo Kordhin Loo Sameeyo Golaha Wakiiladda Saacad  Ama Maalin Ama Todobaad Ama Bil !!!!!!, Sanado Loo Kordhiyana Hadalkeeda Daa.
Shacabwaynuhu Markaanu Lahayn Damiir Diimeed, Damiir Wadaniyadeed Waa Iska Noocan Oo Kale Oo Sida Xoolaha Loo Daaq Geeyo Ayaa Xisbi Kastaaba Taageerayaashiisa U Daaq Geeyaa Yagoo Dhul Daaqsimeedka Iyo Biyuhu Ka Dhexeeyaan Haddana Habeenkii Hal Xero Ayaa Xoolaha Lagu Xaraynayaa !!!!!
Layaab Ma Leh Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ah Golihii Labaad 28 Sano Ee Somaliland Jirtay Wakhtiga La Soo Doortayna 2005 Muddo Xileedkooda Sharciga Ahina Wuxuu Kaga Dhamaanayay 2010, Waxayna Sifo Xaaraana Ku Fadhiyaan 9 Sano, Golahan Wakiiladda Ee Xaaraanta Ku Fadhiya Haddii Ay Leeyihiin Damiir Muslim, Damiir Wadaniyadeed, Damiir Mustaqbal Waxay Sifo Sharci Ah Dhamaysan Lahaayeen Shantooda Sano Ee Sharciga Ah Waxaana Bedeli Lahaa Septembre 2010 Xildhibaano Lagu Soo Doortay Doorasho Xor Iyo Xalaala, September 2015 Waxaa La Dooran Lahaa Xildhibaano Lagu Soo Doortay Doorasho Xor Iyo Xalaala, September 2020 Waxaa La Dooran Lahaa Xildhibaano Lagu Soo Doortay Doorasho Xor Iyo Xalaala.
Golahan Wakiiladda Ee Sifada Xaaraanta Ah Ku Fadhiya 9 Sano Waxaa Bedeli Lahaa Sadex Doorasho Wakiiladda Ah Oo Kala Dambeeya.
Waa Ayaan Daro Aad U Wayn Inuu Madaxwayne Muuse Biixi Uu Quus Ka Taagan Yahay Shacabwaynaha, Golayaasha Wakiiladda Iyo Deegaanka Ee Ka Dambeeya Golayaashan Sifada Xaaraanta Ah Ku Fadhiya, Ee Maanta 24.11.2019 Golaha Guurtida Khasab Kaga Dhigay Laba Sano Loo Kordhiyo Golaha Wakiiladda, Muddo Xileedkooduna Kaga Eeg Yahay 24.11.2021, Halka Golaha Guurtiduna Hal Sano Ka Dambeeyo Isu Gayn Noqonayso Sadex Sano, Muddo Xileedkooduna Kaga Eeg Yahay 24.11.2022 Xaalkuna Yahay Waa Aniga Xaaraan Idiinku Kordhiyayee Wixii Sharci Daro Ah Ee Aan Kula Kaco Culimaaudiinka, Shacabwaynaha, Xisbiyadda Mucaaradka, Madaxdhaqameedka Ganacsatada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Saxaafadda Ha Ka Hor Imanina Waana Inaad ILa Barbar Taagnaataan Hiil Iyo Hooba.
Habar Baa Iska Haw Hawlee Heelada Inoo Tuma !!!!.
Wakhtigii Madaxwayne Muxammad Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah(Swt) Ha U Naxariistee Uu Furay 2002 Tartanka Ururada Oo Laga Gudbayo Nidaam Beeleedkii Lagu Soo Dooran Jiray Madaxwaynaha, Golaha Wakiiladda Oo Loo Gudbiyo Nidaamka Xisbiyadda Badan Madaxwayne Cigaal Doorashooyinkii Ururada Muu Qaban Oo Waxaa Ka Soo Hor Maray Geeridiisa 5 May 2002 Allaah(Swt) Ha U Naxariistee, Barlamaankii Wakhtigaas Jiray Waxay U Doorteen Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Oo Ahaa Madaxwayne Ku Xigeen.
1. Madaxwayne Rayaale Wuxuuu Qabtay Isla Sanadkii 2002 Dhamaadkiisii Tartankii Ururadda Ama Golayaasha Deegaanka Oo Sadexda Urur Siyaasadeed Ee Ugu Badan Golaha Deegaanka Noqonayaan Xisbiyo Qaran, Waxaana Xisbiyo Qaran U Soo Baxay Xisbiga Udub, Xisbiga Kulmiye Iyo Ucid.
2. Madaxwayne Daahir Rayaale Wuxuu Qabtay 2003 Doorashaddii Madaxtooyadda.
3. Madaxwayne Daahir Rayaale Wuxuu Qabtay Doorashaddii Golaha Wakiiladda 2005.
4. Madaxwayne Daahir Rayaale Wuxuu Qabtay Doorashaddii Madaxtooyadda 2010.
5. Madaxwayne Axmad Muxammad Maxamuud(Siilaanyo) Wuxuu Qabtay Tartanka Ururada Siyaasadda Oo Lagu Tartamayay Golayaasha Deegaanka Ama Dawladaha Hoose, Sadexda Urur Ee Golaha Deegaanka Ugu Badan Waxay Noqonayaan Xisbiyo Qaran Waxaana Xisbiyo Qaran U Soo Gudbay Kulmiye, Ucid Iyo Wadani 2012.
6. Madaxwayne Axmad Siilaanyo Wuxuu Qabtay Doorashaddii Madaxtooyadda 2017.
0. Madaxwayne Muuse Biixi Wuxuu Lumiyay Ama God Madoow Ku Riday Rajaddii Somaliland Ee Wadamadda Aduunka Ka Sugayeen Aqoonsi Caalamiya Oo Aad Moodid Inuu Ugu Talo Galay Inay Somaliland Ku Burburto Gacantiisa Balse Aanu Ku Xisaabtamin Qadarka Allaah(Swt) Iyo Shacabwaynaha Somaliland Oo Qaranimadooda ILaashanaya Insha Allaah.
Madaxwayne Muuse Biixi Wuxuu Rajadoodii Iyo Mustaqbalkoodii Mugdi Geliyay 900 Oo Isu Soo Sharaxi Lahaa Golaha Deegaanka, Xildhaanada Golaha Deegaanka U Soo Baxayaana Noqonayaan 300 Xildhibaan.
Madaxwayne Muuse Biixi Wuxuu Rajadoodii Iyo Mustaqbalkoodii Mugdi Geliyay 246 Oo Isu Soo Sharaxi Lahaa Golaha Wakiiladda, Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda U Soo Baxayaana Noqonayaan 82 Xildhibaan.
Madaxwayne Biixi Wuxuu Faraha La Galay Oo Godkiisa Miyo Ugu Gelayaan Mucaaradada Xooga Leh Ee Ay Kala Hor Tagayaan Murashaxiinta Golayaasha Wakiiladda Iyo Deegaanka Insha Allaah, Fardo Laysugu Joogo Maxaa Layskugu Faani .
Somaliland 28 Sano Ee Ay Jirtay Waxaa Ka Dhacay Lix Doorasho, Afar Doorasho Waxaa Qabtay Madaxwayne Rayaale, Laba Doorasho Waxaa Qabtay Madaxwayne Siilaanyo.
Waxaynu Sugnaa Sawirka Ay Ka Bixiyaan Wadamadda Xidhiidhka La Leh Somaliland Insha Allaah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood
Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker