“Somaliland in lacag xildhibaan lagu iibsado iyo inuu qaato waa xaaraan.” Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiirka Maaliyadda DSomaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday inay caadi tahay in Xukuumad iyo Xisbiyo mucaarad u tartamaan shir-gudoonka hanashadiisa, laakiin, Somaliland lacag in xildhibaan lagu iibsado iyo inuu qaato waa xaaraan dhamaan dhaqaalahii ku baxay doorashooyinka Somaliland oo gaadhayey 16 milyan dollar ay xukuumadu bixisay, marka lagu daro qaadhaan-bixiyeyaashu 5 milyan ku taageereen.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa  su’aalo dhinacyo kala duwan ah, sida Doorashooyinkii iyo waxay ku kordhinayaan doonisti ictiraafka, sababaha keenay in xisbul-xaakimka laga bato golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka iyo arrimo kale ayuu sheegay in  isbedelka axsaabta iyo hogaamiyeyaashu yihiin sunnaha dimoqraadiyadda, sida caalamka.

Dr Sacad oo la weydiiyey waxyaabaha doorashooyinkii u dambeeyey soo kordhiyeen, ama ka tari karaa aqoonsiga Somaliland ayaa sheegay inay wax badan ku kordhinayaan, waxaanu yidhi, “Doorashadii waxay xaqiijisay inuu jiro dal xuduudo leh, maadama ay dalka oo dhan ka dhacday, waxbadana way ku kordhinaysaa meeqaamkii Somaliland caalamka ka taagnayd.

Dr Sacad ayaa sheegay, in dhaqaale gaadhaya 16 milyan ku baxeen doorashooyinkii u dambeeyey oo 11 milyan xukuumadu bixisay, halka qaadhaan-bixiyeyaashu ku dareen 5 milyan, isla markaana raaciyey doorashooyinka uma gelayo qaadhaan-bixiyeyaasha, waa danta Somaliland, markaa looma baahna inaan dhaqaalahooda isku xidhno, balse waa inaan ku talogal dhaqaale u yeelano doorashooyinkeena.

“Looma baanha in doorashooyinku dib inooga dhacaan. Muwaadinka heshiis baa lala galay in qofka xil muddo cayiman u qabanaya uu doorto. Mudadii marka ay dhamaato waa in doorasho la qabtaa, laakiin dib-u-dhaca doorashooyinku soo mareen waxa keenay duruufo kala duwan, laakiin waa inaynu ka diyaargarowno sidii aanay dib uga dhicin wakhtigooda.

 

Mar la weydiiyey in xukuumadaadu diyaar u tahay in doorashooyinka Madaxweynaha, Guurtida iwm, ee soo socda xilligooda la qabto, waxuu ku jawaabay “Madaxweynaha way ka go’an tahay in doorashooyinka soo socda wakhtigooda la qabto. Miisaaniyadda 2022 waa lagu darayaa Insha Alaah, doorashooyinka sharcigu sheegayo.

 

Dr Sacad ayaa deedafeeyey in xukuumadu lacag ku bixinayso hanashada xildhibaanada, isla markaana sheegay inay mamnuuc tahay, mar la weydiiyey  siduu u arko eedaha in xukuumadu hantidii shacabka ku bixinayso si ay shir gudoonka baarlamaanka u yeelato ayuu ku jawaabay, “Xukuumad iyo xisbiyo mucaarad in loo tartamo shir gudoonka waa caadi, laakiin, Somaliland in lacag xildhibaan lagu iibsado iyo inuu qaato waa xaaraan. Laakiin hadii fikir iyo siyaabo kale loo kala jiito waa wax la samayn karo”

Dr Sacad ayaa sheegay inuu jiro tartan saddexda xisbi (Reero odhan mayo) ay ugu jiraan sidii loo kala jiidan lahaa xildhibaanada, oo shirgudoonka u yeelan lahaayeen, xisbi walbana ku dedaalayo inuu tirada ugu badan fikirkiisa soo raaco, taasoo marmar saaxiibtinimo ama ehelnimo loo adeegsado, sidaa in kaambaynka loo galana saaxada siyaasada ayey ka mid tahay, ayuu yidhi, mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey eedaha in Madaxweyne Md Muuse wasiirada u diray xildhibaanada reerahooda.

Waa dhab, Xubnaha xildhibaanada u badan xisbiyada mucaaradka ayey ka soo baxeen, xisbiga KULMIYE-na dhabarka looma jeedin ee soddon xildhibaan ayuu helay, laakiin, waa arrin inta deraasad laga sameeyo xisbigu wax iska weydiin doono, si mustaqbalka looga gaashaanto, laakiin maalinba in xisbi yeesho aqlabiyada waa sunnaha doorashada ayuu ku jawaabay Dr Sacad, mar la weydiiyey miyaan la odhan karin xisbi-muxaafadkii bulshadii way ka jeesatay.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad ayaa sheegay in heshiiskii hore u dhexmaray Somaliland iyo Kenya aanu jirin wax isbedel ah ku yimi, masuulkii xafiiskooda hogaamin lahaana ay magacaabeen, balse dib-u-dhaca wakhtigii uu hirgeli lahaa ee bishii March ay keentay sannad miisaaniyadeedka Kenya oo bilaabma bisha July keliya, isagoo raaciyey, inaanu wax caqab ah ku yeelan doonin xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, lana mid yahay ka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey maxaa hortaagan hirgelinta heshiiskii Somaliland iyo Kenya iyo in uu saamayn u yeelan karo xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo dalkeena.

Dr Sacad ayaa sheegay inuu hambalyeynayo shacabka, xisbiyadda qaranka iyo Hogaamiyeyaashooda, isla markaana ugu baaqay bulshada inay bixiyaan waxii cashuuro ku waajibay, maadama cashuurahu yihiin waxa aynu dal ku nahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker