Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Waxaa Caawa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Cusbitaalka Martiini ku geeriyooday Gudoomiyihii Gudigga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal, Marxuum Cabdillaahi Abyan Nuur.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Caabuqa Covid19 oo haleelay,kaasi oo Cusbitaalka loo dhigay.

Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka hadlay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo bulshada Soomaaliyeed kaga tacsiyeeyay Geerida ku timid Gudoomiyihii Gudigga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal, Marxuum Cabdillaahi Abyan Nuur.

“Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday.Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo” ayuu yidhi RW Rooble

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker