MA CAQILO AYAANU DOORANAYNA, MISE XILDHIBANADA GOLEYASHA WAKIILADA/DEGANKA?

Dhawan waxaa loo dareeri doona doorashada Golaha Wakiilada iyo Deganka, haddaba su’aashu waxay tahay, Maxaynu dooranaynaa? Ma Caqilo, Mise xildhibanada Goleyaasha Wakiilada/Deganka?
Musharaxiinta Golaha Wakiilada iyo Deganka ee doorashadan ka qayb galaya waxaa soo xulay oday-dhaqameedo, waxaana u-codaynaya beelahooda. Sida daradeed, waxaa meesha ka baxday xusbiyada qaranka.
Waxay ahayd in xusbiyada qaranku la yimadan ma’baadi siyaasadee oy dalka ku maamulan/ku maamuli doonan. Nasiibdaro, ma jirto waxa fikir siyaasadeed ooy ku kala duwan yihiin saddexda xusbi. Taasina waxay keentay in musharaxiinta Golaha Wakiilada iyo Deganku wax ay ku kala duwan yihiin aanay jirin.
Oday-dhaqameedada soo xulaya musharaxiita badankoodu ma ah dad fahansanay hawsha xildhibada golaha Wakiilada iyo Deganku qabtan. Waxay ku soo xushan oo kaliya siday shaqo ugu abuuri lahaayeen qof, iyaguna uga heli lahaayeen dhadhan.
Hore ayaan uga digay in Oday-dhaqameeda soo xulin musharaxiinta dalka hogaamin doona. Nasiibdaro, cid jalaq umay siin.
Maalmahani, waxaan maqlaynay xusbiyada oo gudbinayaan liisaska musharaxiinta sharaxayan. Lakiin, maqluub ayay u shaqaynayaan, oo halkii ay ku dhaman lahayd ayay ka bilaabeen. Waxa ahayd in ay marka hore iyagu soo xushan musharaxiinta.
Haddii, Beelaha laga maarmi waayo, waxa ahayd in ay xusbi kasta sameeyo gudi Beeleedyo xusbiga tageersan oo soo xula mushaxiinta Beeshooda. Haddii, Xusbiyadu sidan yeeli lahaayeen, xusbiyada ayaa awood lahaan lahaa, ee Beeluhu may lahaadeen.
Jaha wareerka Xisbiyada iyo qabyalada, iyo waliba awooda siyaasadeed oo Oday-dhaqameeda iyo Beelaha lagu wareejiyay waxay meesha ka sartay DANTA-QARANKA.
Haddaba, dadka Somaliland waa in ay fahman waxay DANTA-QARANKA tahay. DANTA QARANKU waa:
⦁ Siddii nabada waarta dalka looga hirgalin lahaa.
⦁ Waa siddii cadalad dadka u siman yahay loo heli lahaa.
⦁ Waa siddii dhaqalaha dadku wada leeyahay loo dhisi lahaa.
⦁ Waa siddii kalsoonida dawladnimo loo soo celin lahaa.
⦁ Waana siddii xusbiyada u noqon lahaayeen kuwa dumiqradiyda dhexdooda ka jirto oon ummada qabaa’il u kala qayb qaybin.

Dadka Somaliland, khasatan aqoon yahanada ayaa dalkani dayacay, waxay ahayd in ay xusbiyada ka diidan in Oday-dhaqameeda ama Beeluhu soo xulin dadka hogaaminaya dalka, oo Beelo u qayb qaybiyan Ummada.

Sida oo kale ayaa xildhibana Golaha Degankuna (Grade A) ay Beeluhu ugu tartamayaan, musharxa fahma shaxda hoose (table-2) ayaa guulaysan doona, kuwa kalana waa kuwa wakhtiga iyo dhaqaalaha iska khasaarinay.
Gaba gabadii, inkasta aynu ognahay in musharaxiinta badankooda ay soo xuleen oday-dhaqameedo, isla markana Beelkasta ay u codayn doonta musharaxa Beeshooda, haddana deeqda eebe lagama quusto, waa in aynu ka xulano musharaxiinta aan is leenahay waa dacad, fahansan sida Somaliland u noqon lahayd XIDIGTA NUURAYSA EE GEESKA AFRIKA (THE SHINING STAR OF THE HORN OF AFRICA).
OMAR YOUSUF
IS-BAHAYSIGA DAN-QARAN
DA’NAY NA-YAASHA DANTA-QARANKA, WAXAY NAGALA SOO XIDHIIDH KARAN:
E-MAIL: uhilimagaladada@gmail.com Facebook: U hili magaladada
WWW.DANQARAN.COM or WWW.SOMALILANDFIRST.COM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker