Raysal Wasaaraha Israa’iil oo amar ku bixiyay in la tarxiilo dad Afrikaan ah

Israa’iil ayaa ka fiirsanaysa tillaabooyin adag oo ay ku jiraan in si degdeg ah loo masaafuriyo magan-galyo-doonka Eritrea ee ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay Tel Aviv Sabtidii.

Ilaa 170 qof ayaa ku dhaawacantay isku dhacyo rabshado wata oo dhex maray booliska kooxo taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda taliska Eritrea.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in “khadka cas” laga soo gudbay.

Waxa uu sidoo kale amar ku bixiyay qorshe cusub oo looga saarayo dhammaan muhaajiriinta Afrikaanka ah Israa’iil isagoo ku tilmaamay kuwa si sharci darro ah ku soo galay.

Qalalaasaha Sabtidii dhacay ayaa ahaa mid aan hore loo arag, wuxuuna billowday ka dib markii dadka ka soo horjeeda dowladda Eritrea ay sheegeen inay ka codsadeen mas’uuliyiinta Israa’iil inay joojiyaan munaasabad ay soo qabanqaabisay safaaradda dalkooda.

Waxay jabsadeen dhufeysyo ay ciidamada booliska ku lahaayeen agagaarka goobta ay munaasabaddu ka dhacaysay.

Booliska Israa’iil oo dhowr iyo toban ka mid ah ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay ayaa sheegay in ay dareemeen in noloshooda ay halis ku jir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker