Dalka Brunei Oo Bilaabay Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
Dalka Brunei oo ah Boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayay Sultan Hassanal Bolkiah ayaa sheegay in maalnta Arbacada ah bilaabmayso ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Dalka Brunei oo ku yaalla Koonfur Bari Asia ayaa markii ugu horreysay 2013 ku dhawaaday in uu qaadanayo ku dhaqanka shareecada islaamka, balse dib ayaa loo dhigay markii ay si aad ah uga hor yimaadeen kooxaha xuquuqda aadanaha.
Ku dhaqanka sharciga ee ay maanta qaadatay Brunei ayaa dhigaya in dadka gaysta gogol-dhaafka iyagoo horey u guursaday, ragga isku jinsiga ah ee isku galmooda iyo aflagaadeynta Nebi Maxamed nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ay wajihi doonaan xukun dil ah oo qaarkood dhagax loo adeegsanayo.
Sidoo kale sharcigan ayaa qoraya in gacanta laga goon-doono qofkii lagu helo dambi xatooyo, halka la karbaashi doono dumarka iska soo rida ilmaha iyo dadka khamriga caba.
Dhanka kale Midowga Yurub ayaa ka horyimid go’aanka ay qaadatay Brunei ee ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay ciqaab arxan-darrada ah tahay sharciga ogolaanayo jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.