TPLF oo dagaal ka bilawday furimo horleh

Dowladda dalka Itoobiya, ayaa ku eedeysay ciidamada Tigreega inay balaariyeen dagaalka dib uga soo cusboonaaday jihooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin soohdinta galbeed ee dalkaasi, uu la wadaago dalka Sudan ee dariska la ah.

War qoraal ah oo arbacadii soo baxay, ayaa lagu sheegay in jabhado cusub oo dhanka galbeed ka jira inay qaadeen tallaabooyin, ka dib markii weeraradii dhanka bari ee magaalada Kobo aysan qaadin qorshaha qowmiyadda Tigreega.

Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay ciidamada Tigreega ee eedeymahan loosoo jeediyey, balse mar sii horeysay sarkaal sare oo ka tirsan Tigreega, Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay maamulka Ra’iisul Wasaare, Abiy Axmed, inuu doonayo “in uu sii caalamiyeeyo colaadda”, isagoo u diraya “tobanaan kun oo askari” dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

BBC-da si madax banaan uma xaqiijin labada sheegasho, balse tani waxay calaamad cad u tahay in rabshaduhu ay sii xoogay sanayaan oo ay sii fidayaan, kadib markii ay soo laba kacleeyeen, iyadoo ay burburtay toddobaadkii hore xabbad joojin socotay shan bilood.

Qaar kamid ah furimaha cusub ee ay dawladdu sheegtay, ayaa ku yaalla galbeedka gobolka Tigreega, halkaasoo ah goob lagu muransan yahay, oo ah aag ay hadda maamulaan ciidamada Amxaarada, kuwaasoo daris la ah Tigreega, iyo ciidamada federaalka.

Ciidamada Tigreega ayaa doonaya in deegaanka lagu soo celiyo sidii uu ahaa dagaalka ka hor.

Balse ciidamada Axmaarada ayaa dhankooda sheegay inay taasi wax macquul ah ahayn, iyadoo dhankooda tilmaamay in dhulkani ay iyagu lahaayeen, oo ay Tigreega kala wareegeen markii ay awoodda badan ku lahaayeen siyaasadda guud ee Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker