Dawladda Itoobiya oo Bilaabeysa in ay laydh ka Dhaliso Biyo-xidheenka Nile.

Itoobiya ayaa Axadda berri ah bilaabeysa in ay koronto ka dhaliso biyo-xidheenkeeda muranka badan dhaliyay ee wabiga Nile-ka Buluuga, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Biyo xidheenkan oo lagu magacaabo Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) oo noqonaya mashruucii ugu waynaa ee koronto laga dhaliyo ee ku yaalla Africa ayaa udub dhexaad u ahaa khilaaf ka taagnaa gobolka tan iyo markii ay Itoobiya dhaqaajisay dhismaha biya-xidheenkan sannadkii 2011-kii.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay AFP Sabtida maanta ah in berri la bilaabi doono in tamar laga dhaliyo biya-xidheenka.

Sarkaal labaad ayaa isna xaqiijiyay warkan, labada sarkaal ayaa hadlay iyagoo diiday in magacooda la adeegsado maadaama guushan aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Waddamada uu u burqado wabiga Nile ee Masar iyo Sudan ayaa u arka biyo-xidheenka mid khatar ah, sababtoo ah waxa ay ku tiirsan yihiin biyaha Nile, halka Addis Ababa ay u aragto in mashruucan uu muhiim u yahay tamarteeda iyo horumarkeeda.

Mashruucan oo ku kacaya $4.2-Bilyan ayaa marka uu idlaado la filayaa in uu soo saaro in ka badan 5,000 oo megawatt oo koronto ah, taasi oo labanlaab ka badan wax soo saarka koronto ee Itoobiya.

Itoobiya ayaa markii hore qorsheysay in ay biya-xidheenka ka dhaliso qiyaastii 6,500 megawatts laakin markii danbe ayay dhintay yoolkaasi.

“Korontada cusub ee laga dhaliyo GERD waxa ay gacan ka geysan kartaa dib u soo nooleynta dhaqaalaha ku burburay dagaalkii lagu hoobtay, kor u kaca qiimaha shidaalka, iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19,”Ayuu yidhi Addisu Lashitew oo ka tirsan machadka Brookings Institution ee magaalada Washington.

Biyo-xidheenkan ayaa ku yaalla webiga Niilka Buluuga ah ee gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka Itoobiya, waana meel aan ka fogayn xudduudka Sudan.

Buuxinta kaydka baaxadda weyn ee biya-xidheenka ayaa bilaabatay sannadkii 2020, iyadoo Itoobiya ay ku dhawaaqday bishii July ee sanadkaasi in ay gaadhay hadafkeedii ahaa in ay keydiso 4.9 bilyan mitir kuyuub (cubic meter) oo biya ah.

Wadarta guud ee kaydka biya-xidheenkan ayaa ah 74 bilyan oo mitir kuyuub, waxaana hiigsiga 2021-kii uu ahaa in la kaydiyo 13.5 bilyan.

Bishii July ee sannadkii hore ayay Itoobiya sheegtay in ay gaadhay halkii ay hiigsaneysay, taasi oo ka dhigan in biya-xidheenku uu haysto keyd biyo oo ku filan in la bilaabo dhalinta ama soo saarista tamarta, laakin sheegashadaasi ayaa waxaa shaki geliyay qaar ka mid ah khubarada.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker