Madaxwaynihii Hore ee Dalka Suudaan Dr Cumar Al Bashiir oo dacwad lagu soo oogay

 

Suudaan ayaa dacwad kusoo oogtay madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalkaas, Cumar Xasan Al Bashiir, waxaana lagu soo oogay inuu geystay kicin dadweyne iyo inuu ku lug lahaa dil loo geystay dibadbaxyaal, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee waddankaas.

Ilaa hadda lama hayo wax war ah oo ku saabsan xaaladda Al Bashiir tan iyo markii xukunka laga qaaday 11-kii bishii April.

Horraantii bishan, waxaa Al Bashiir lagu amray inuu kasoo hor muuqdo xafiiska dacwad oogaha dalkaas si wax looga weyddiyo eedeymo musuq maasuq iyo maalgelinta ururo argagixiso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker