Madaxweynaha Puntland oo ka qeeyb galay Salaad Roobdoon ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare Garoowe kaga qayb-galay Roobdoon Alle SWC lagaga baryaayey Ramaxddiisa (Roob)  inuu ku manaysto ummaddiisa.

Abaarta iyo jiilaalka jira oo sababtay xaalad adag oo ay waajaheen dad iyo duunyoba, waxa ay dowladdu juhdigelisey Roobdoon xiriir ah oo Alle SWC lagu waydiisanaayo Raxmaddiisa, waxa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeedba ku booriyey inay markasta iyo xaalad kasta oo ay ku jiraan Rabbi SWC waydiistaan dembidhaaf iyo Raxmaddiisa, mid wax tarleh oo aan waxyeelo lahayn.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka ku booriyey inay isgarab-istaagaan wakhiyada adag ee lagu-jiro, waxa uu xusay, in abaartu saamaysay qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badan Reerguuraaga iyo dadka danyarta ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha DPL  Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladdu dorkeeda iyo masuuliyaddeeda gudanayso, shacabka iyo cidkasta oo ay khusayso arrintani, iyana doorkooda u qaataan si hagar la’aan ah, si gargaar iyo garab-istaag deg deg ah loola gaaro shacabka abaartu saamayso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker