Xagee buu ku dambeeyey Cusbitaalkii weynaa ee Burco? Waxa qorey: Xamse Xasan

Marka la leeyahay caafimaad, wuxuu kamid yahay baahiyaha aasaasiga ah ee ugu muhiimsan nolosha qofka bini’aadamka ah. Ruuxa bini’aadam ka ahi hadduu caafimaad waayo, micnaheedu waa nolol u hadhey ma jirto. Cusbitaalka weyn ee Burco, waa goob caafimaad oo ka masuul ah dhammaan shacabka reer Burco, maxaa yeeley waa hanti dawladeed, haddey noqoto: in shaybaadhada iyo dhammaan daweynta bukaanka in loo daryeelo nidaam qiimo dhimis ah. Dawladu miisaaniyad ayay ugu dartaa dhakhtar ka weyn ee Burco, haddana wuxuu la mid yahay ama u dhaqmaa sidii goob caafimaad oo gaar loo leeyahay. Gudaha Cusbitaalka, waxaad mooda geerash baabuurta lagu xareeyo, nadaafad xumadana wuxuu ka darran yahay goobaha qashinka lagu qubo. Iskadaa in bukaan lagu daweeye, qofka caafimaad ka qaba ayaa xanuun ka qaadaya. Maxaa sabab u ah hadda?.
Maamul xumada hoggaanka Cusbitaalka
Musuqmaasuqa miisaaniyadda
Tayo la’aanta dhakhaatiirta ka hawl gala
Iyo, moogganaanta shacabka
Dr Cabdi Suudi, waa wiil dhallinyaro ah oo aan khibrad badan u laheyn maamulka, ka sokow in lagu tilmaamo dhakhtar, waxey tani keentey in uu gebi ahaan ba khibrad la’aan awgeed uu ku fashilmey hoggaaminta Cusbitaalka. Waxaa taas u sii dheer, dhaqankiisa oo aad moodda ruux ku can baxey kala doorashada dadka, hab qabiileed. Inuu dhakhtarada ku kala doorto Qabiil, waxey dhalisey inuu keeno dad aan dhakhaatiir aheyn oo sheegta.
Dhinaca kale, magaalada Burco lama odhan karo dhakhaatiir la’aan baa jirta, balse Dhakhaatiir ta badankoodu haba yaraate kama soo xaaddiraan Cusbitaalka, ee waxey fadhiistaan goobo caafimaad oo iyaga u gaar ah, halkaas beyna ugu tagaan dadka lacagta heysta ama awooddaya iney kharashka doonto ha noqotee; dadka aan awooddeyn se, inta badan waxey ku silcaan Cusbitaalka weyn. Sida ku xusan maqaal horey loo baahiyey:
“Maalina laysma weydiinin hooyooyinkan kuu naf-baxaaya, cusbitaalka guud ee burco iyo kuwa la hal maala, maalin aan aad u fogayn waxaa dhiig la’aan u geeriyootay, hooyo ugub ah, ilmihii kowaad markaas umushay, ma odhanayno maxay u dhimatay, laakiin’se innagu waxaa aynnu dabo joognaa is weydiin la’aanta, daryeel la’aanta, diir naxid la’aan, damqasho la’aanta, dadnimo la’aanta, waxaa igu maqaalo ah dhiigga hooyadaasi u dhimatay la’aantii noociisa kaydka buu kuu jiray isaggoo lix bacood ka kooban, illaahay ban idiinku dhaarshee miyeyna rogmasho ahayn, ma waxaa la kari waayey in la sii amaahiyo oo hadhow marka ehelku dhiiggii helo ay soo gudaan amba ay soo celiyaan, nasiib-darro caqli lacagii kaa carartay, marka la yidhaahdo tali waa noocan oo kale, ciddna uma maqnaa, ceelna uma qodnaa”.
Isla jeerkaasna, dakhliga soo gala dhakhtar ka waa mid ku filan in loogu adeego dhammaan shacabka Burco si bilaa lacag ah, ogsoonow, in Cusbitaalka dawladdu uu ahaan jirey mid ka qiimo jaban goobaha, kana tayo wanaagsanaa goobaha kale, haseyeeshe, uu haddana xataa ka qaalisan yahay dhammaan isugeynta goobaha gaarka loo leeyahey ee Burco ku yaal – sida mar kale ku xusan qoraalkaas:
“ Ku qaali garaynta daawooyinka, gacanta, iwl ee aynna awoodayn dan-yartu, qof awoodaayan waa laga daaya, mid aan hayna qasab baa lagaga dhigaa, tusaale daawooyinka inta badan waa loogu deeqaa cisbitaalka haddana dan-yartii way ka qatantahay, daryeel ma haystaan, haddii aynnu waxa ugu yar soo qaadano shayga $1 oo u dhiganta slsh8300, laga siiyo suuqa,  cusbitaalka dhexdiisa waxaa laga siiya slsh10000, waa dhiigg-miirashonimo halkii ugu sarraysay”. Waa damiir xumo aad u sarreysa.
Agaasimuhu wuxuu ku xusey wareysi uu siiyey suxufi Keyse Axmed Digaale, in shaqaalaha ka hawlgala cusbitaalka ay dhan yihiin 250 shaqaale, balse aaney dhammeyn 60 qof, oo u joogo ama la kulmo tacaddiyo shaqo, quudhsi uu suubbiyo ina Suudi, iyo isla weyntaa uu arko iney ka hooseeyaan, waa jaahilnimadiisa isaga u gaarka ah, waxey horseedey iney idil ahaan wada shaqeyn kariwaayaan dhakhaatiirta gobolka, kuwa joogeyn waxey u qeylo dhaamayaan Dawlada dhexe oo ah wasaaradda Caafimaad.
Tira buunbuuninta ah ee uu xusey Ina Suudi, haba yaraate wax kajir ma jiraan, ee tiro been abuur oo uu miisaaniyadda ku darsada, sidey noo xaqiijeen dhakhaatiir isaga ka agdhow, oo uu aad ugu kalsoon yahay. Sidoo kale, waxa jirey dhakhaatiir badan oo ku jooga Volunteer muddo badan gaadheysa, oo ilaa hadda wax mushahar ah qaadan, halka xilliyada ugu bandanna, aaney Cusbitaalka joogin wax dhakhaatiir ah.

La yaabku wuxuu yahay, in aaney ilaa hadda Dhakhtar ka weyn u jiifaan kumanaan bukaan ah oo uu soo ritey, xanuun lagu magacaabey Kuduudiye. Waxey aheyd, in daraasad uu ka soo saaro Cusbitaal ka ( hadduu leeyahay ba aqoonta wax lagu daraaseeyo, ee uu la hadlo wasaaradda Caafimaadka si ay ugu soo dirto dad u sameeya daraasadda).
Ugu dambeynna, waxaa aan talo iyo tilmaanba kuu bixinaynaa, in wasaaradda caafimaadka iyo horu-marinta soomaalilaan arrintaas si deg deg ah wax uga qabataa, odhod deg deg ah loo soo diraa burco, wasiirka iyo agaasimaha guud talaabo sharciga waafaqsan ka qaadan, dadkaa la dulmiyayaa waa dadkii aad xilka u hayseen, waa dadkii uu illaahay idiin kala xisaabtamaayey, waa dadka is leh wasaaradda uun baa idiin maqan, alle ka sokow dadkaas idiinkay dumadoodu idiin saran tahay, dedaal iyo tacab wixii aad ugu hiilin kartaan habbeena ha kaa hagranina billaa calaykum.
Waxaa shaqaalaha Cisbitaalka Dhimirka ee Magaalada Burco ii xaqiijiyeen in uu Gacan-ka-hadal ka dhacay Xafiiska maamulka & lacagta ee Cisbitaalka Dhimirka Burco. Gacan-ka-hadalku waxa uu dhexmaray Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Guud ee Burco Diktoor Cabdi Suudi & Dhakhtar ka shaqeeya qaybta Dhimirka ee MAANDHAYE.
Goob-joogayaashu waxay ii sheegeen in muranku ahaa mid beryahanba soojireen ahaa, kaas u dhexeeyay maamulka lacagta ee cisbitaalka dhimirka (oo la garab ah Agaasimaha Guud) iyo shaqaale ka tirsan qaybtaas.
Shaqaalaha ka shaqeeya cisbitaalka dhimirka waxay ii sheegeen in muranku salka ku hayo musuqmaasuq hadheeyey Cisbitaalka dhimirka ee magaalada Burco. Waxaana ka mid ah musuqaas lagu eedeynayo:-

1. Lacag Dawladda dhexe ugu dartay miisaaniyadda qaranka oo loogu talogalay cisbitaalka dhimirka Burco oo dhan 90 milyan oo shilling bishiiba. ($11,000). Lacagtaasi waxay ku dhacdaa Jeebabka Masuuliyinta Cisbitaalka Guud ee Burco iyo maamulka lacagta ee qaybta dhimirka.
2. Mushaharkii Dhakhaatiirta & kalkaalisooyinka waxaa bilkasta laga goostaa qayb aanay ka maarmi Karin.
3. Madaxa maamulka lacagta ee Cisbitaalka dhimirka, Mudane Naasir Maxamed Nuur, waa masuul hore ugu eedeysanaa musuqmaasuq oo hore looga eryey Cisbitaalka weyn ee Burco. Eedeysanihii hore ku suntanaa Cunista-Xoolo-dadweyne ayaa maanta loo dhiibay lacagtii masaakiinta dhimirka ee Burco.

Dhacdadan gacanka-hadalka dhakhaatiirtii gobolka Togdheer waxay soo dedejinaysaa in Maamulka Wasaaradda Caafimaadka & Hanti-dhawraha Guud ee Somaliland ay soo farogeliyaan Musuqmaasuq hadheeyey Caafimaadka Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaala Burco.

 

Xamse Xasan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker