Daadad oo kusoo rogmaday gudaha Magaalada Baledweyne oo sababay barakac xoogan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya roobab xoogan oo ku dhawaad 5 saacadood oo xiriir ah ka da’ay Xalay gudaha iyo daafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Roobka oo ahaa mid xooganaa ayaa sababay in laga barakaco xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Raadeerka oo ka mid ah Xaafada Kooshin, kadib markii ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo ka yimid Waadiyaasha mara duuleedka magaalada Baledweyne.

Qaar ka mid ah qoysaska degan xaafadaha Kutiimbo iyo Raadeerka ayaa mar qura ku toosay biyo farabadan oo guryaha u soo galay, islamarkaana dhamaan alaabtii guriyaha u taalay sida Cunada, Jiifka iyo agabyadii kale ay biyaha ka qaadeeyn, hayeeshee biyaha ka badbaadsadeen Caruurtooda kaliya.

“Roobka waan yareysaneynay laakiin mar qura ayaan ka war helnay biyaha oo inoo soo galay guryaha, caruurta ayaan halhaleey kula baxnay oo biyaha oo xoogan ayaan la soo jiirnay, waaga waxa uu noogu baryay dhul taag ah oo dhaxanta iyo dhibicdana sidaas ayay noogu dul dhamaatay, guryahiina kuma noqon karno wali wadooyinkii iyo gurigii biya badan ayaa dhex yaala” ayuu yiri mid ka mid qoysaska Xalay daadadku saameeyeen.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee nafeed ee la dhashay daadadkaan xoogan ee kusoo rogmaday Baledweyne, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka.

Si kastaba ha ahaate daadadkaan Xalay laga barakacay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahan dadka reer Baledweyne ay ka cabsi qabeen in wabiga Shabeelle uu ku fataho xaafadaha magaalada, maadaama uu wabigu wado biyo farobadan.

Reer Baledweyne ayaa markii hore ku dhib qabay Fatahaada wabiga Shabeelle uu sanad walba ka sameeyo gudaha magaalada, hayeeshee haatan waxaa ugu sii darsoomay iney barakacaan xili roobaad walba, maadama daadad ay kusoo rogmanayaan qaar ka mid ah Xaafadaha Baledweyne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker