Madaxweynaha Hir-Shabelle oo Xaqiijiyey inuu karantiil ku jiro muddo Toddobaad ah

Jowhar (OWN) – Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Xaqiijiyey inuu muddo Toddobaad ah ku jiro karantiil la xiriira cudurka Coronavirus, saacado kadib markii ay Caasimada Online sidaas werisay.

 

 

Madaxweyne Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yidhi: “Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.”

 

 

Warar ay shalay heshay Caasimada Online ayaa sheegayey inay xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa.

 

 

Mas’uuliyiintan ayaa dhamaantood la kulmay wasiiru-dowlihii cadaaladda HirShabelle Khaliif Muumin oo shalay Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka COVID-19 kadib markii dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle.

 

 

Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa Sheekh Cusmaan Barre ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah.

“Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre.

 

 

Guddoomiyaha ayaa mar si toos ah wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker