Hogaanka xisbiga Waddani ayaa Xabsiga Baki ku Booqday masuuliyiinta Ka xidhan.

Guddoomiyaha Xisbiga Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ay weheliyaan Musharraxa madaxweyne kuxigeenka Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoomiye xigeenka Xisbiga Milgo Maxamed Sanbalooshe, Guddoomiye xigeenka xisbiga Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good, Cabdifataax Xuseen Ismaaciil (Gamaameye) oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI iyo masuuliyiin kale ayaa maanta jeelka degmada Baki ee gobolka Awdal ku booqday masuuliyiinta xisbiga ee halkaasi ku xidhan.

Guddoomiyaha iyo madaxda wehelinaysa ayaa u kuur galay xaaladda masuuliyiinta ay ka mid yihiin xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga WADDANI, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex iyo xubno ka mid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga oo si sharci darro ah halkaasi ugu xidhan iyada oo aan ilaa hadda wax maxkamad ah la hor gayn.

Weftiga Guddoomiyaha waxa kale oo ka mid ahaa Xoghayaha Caddaaladda Mudane Yoonis Axmed Yoonis, Afhayeenka garabka dhallinyarada Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil, Mudane Kayd Mudhleeye oo ka tirsan Golaha Dhexe iyo masuuliyiin kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker