Ururka Suxufiyiinta JSL SOLJA Oo Ka Hadlay Askari Dhaawac U Gaystay Laba Wariye

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu aad uga xun yahay Fal uu Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Dawladda Hoose ee Hargeysa uu gacan ka hadal ugu gaystay Wariye Sagal Beel-deeq oo ka tirsan Telefishanka HCTV iyo Sawir Qaade Ridwaan Xuseen Yuusuf.

 

Askariga ka tirsan Booliiska Dawladda Hoose waxa uu dhaawacyo wajiga ah ugu gaystay  Wariye Sagal, halka uu ka jajabiyey qalabkii ay siteen, isla markaana waxa ay ku xidheen Askartii kale ee la socotay Saldhiga New-hargeysa.

 

Askariga ayaa labadan wariye ka hor istaagay Barnaamij ay ka duubayeen badhtamaha suuqa Hargeysa, waxaanu waydiiyey Aqoonsiyadooda markii ay tuseena waxa uu si badheedh ah uga hor istaagay shaqadoodii isagoo awooddiisa u adeegsaday.

 

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska ayaa 25/2/2019-ka Kamaradii ay ku shaqaynayeen ka qaaday wariye Xamse Xirsi Xayd iyo Sawir qaade Sayid Faarax Burraale oo ka tirsan Telefishanka Barriga Afrika, kuwaas oo war ka duubayey Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo xukun ka soo saartay Dacwaddii Abwaan C/raxmaan Abees.

 

Isla 25/2/2019, waxay saraakiisha Booliiska Gabilay xabsiga dhigeen Mukhtaar Nuux oo ka tirsan Telefishanka Eeryal, kaasoo aanay illaa hada saraakiisha Booliisku sheegin sababta ay u xidheen wariyahaas.

 

Labadii bilood ee sanadkan cusub waxa dhacay sideed dhacdo oo kale oo ka dhan ahaa Saxaafadda, kuwaas oo ay qaarkood Booliisku qabteen, iyaga oo aan u marin nidaam sharciga waafaqsan.

 

Ururka SOLJA, dhacdooyinkan oo dhan waxa uu u arkaa kuwo sharci darro ah oo ka hor imanaya Dastuurka iyo Qawaaniinta u taala Dalka, waxaanay noqdeen dhaqan soo noq noqday oo aanay mar na ba ka waantoobay xukuumaddu.

 

Ururka SOLJA, waxa uu ka codsanayaa Masuuliyiinta Qaranka inay joojiyaan tacadiyadda ka dhanka ah Saxaafadda, isla markaana ay ka koraan inay maalin walba ku talaabsan falal sumcad xumo ku keenay Hanaanka Xorriyatul-qawl iyo Madax banaanida Saxaafaddeed ee Dalkani leeyahay.

 

Ururka SOLJA, uma arko xal inay xukuumaddu maalin walba si sharci darro ah u xidho wariyayaasha iyo dadka ixtiraamka mudan, iyadoo u mari karta nidaam cadaaladeed oo aan waxba u dhamayn karaamadda Qaranka.

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker