Dawladda Kenya oo Amar Kusoo Rogtay Ganacsatada Soomaalida

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtey in aysan oggolaan doonin dalkeeda in lasoo geliyo alaabaha oo aan lala socon ee la soo saaro diyaaradaha ka imaanaya wadanka Soomaaliya.

 

War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda Kenya ayaa lagu shaaciyay in lala wareegi doono lana burburin doono waxkasta oo qofkii lahaa la socon diyaarada, si waafaqsan xeerarka gaadiidka hawada dalkaasi.

 

“Dowladda Kenya ayaa walaac amni ka qabta waxyaabaha dadkii lahaa aan la socon ee lasoo saaro diyaaradaha kasoo duula Soomaaliya, waxayna tani ka hor imaanaysaa xeerarka gaadiidka caalamiga ah ee hawada,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

 

Dhanka kale, xukuumadda Kenya ayaa waxay ku adkeysaneysaa in Mas’uul Soomaliyeed oo wata dukumentiyo iyo fiiso loo diidey inuu galo magaaladda Nairobi, iyadoo ka jawaabeysa dhacdadii Jomo Kenyatta Airport.

 

Saraakiisha socdaalka Kenya ayaa wasiir ku xigeenka Tamarta iy Biyaha, Cismaan Libaax iyo Labo Senetor kasoo celiyay Garoonka Jomo Kenyatta 20-kii bishan, iyagoo wata baasaboorka diblomaasiga.

 

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhacdadan kadib, shaaciyay in wakiiladeeda aysan ka qeyb gali dooni shirarka deeq-biyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah ku qabanayaan Nairobi, sababo la xidhiidha  caqabado ka jira dhinaca safarka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker