Hoobiyeyaal Duhurnimadii Lagu garaacay Xerada Xalane Ee Muqdisho

Dhawaaq Madaafiic Ah ayaa lasoo sheegayaa in laga maqlay Xerada Xalane oo ay Beesha Caalamka deggan yihiin,iyadoo faah faahino badan la ogeyn.

Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay in la bartilmaameedsaday Xeradaasi oo inta badan ay ku yaallaan Xarumaha Reer Galbeedka Ee Magaalada Muqdisho Xafiisyada ku leh.

Qof gudaha Xerada Kusugan ayaa sheegay in ilaa seddex Madfac uu maqlay uuna ogaan karin meesha laga soo tuuray.

Waxa ku shaqeeya Safaarada Mareykanka,Xarunta UNSOM Ee QM,Safaaradaha Sweden, Jarmalka, Talyaaniga, Ingiriiska iyo Midowga Africa, sidoo kalena waa Xarunta ugu weyn Ee Ciidanka AMISOM Ee Soomaaliya.

Waa meel aad loo ilaaliyo Amnigeeda,mar keliya ayaa la garaacay Jalaska ama Gambaleelka sheega Xaalad Halis ah,si goobaha Gabaadka ah ay Galaan shaqaalaha Reer Galbeedka Ee Xerada Xalane kusugan.

Ma jirto wax war ah oo soo baxay iyo xog ku aadan Khasaaro hadii ay jiraan oo ka dhashay hujuumka Hoobiyeyaashaasi ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Hoobiyeyaashaasi in iyagu ka dambeeyeen balse ma aysan soo tebin khasaaraha ka dhashay inta ay og yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker