Waa maxay Faaiidada iyo Qasaaraha Isticmaalka Baraha Bulshadda:- Qalinka: Suxufi Sinyoore

 

 

 

 

Horumarka laga samaynayo dhinacyo badan oo nolosha aadmigu waxa uu sahlay in ay hanaqaado adeegsiga casriga ah ee teknoolijiyadda taas oo fududaysay xoojinta xidhiidhka dadweynaha ee baraha bulshada oo ku baahay adduun-weynaha oo dhan. Haddaba isticmaalka baraha bulshadda ayaa muddoyinkii u dambeeyay si xawli ah ugu fiday bulshadda soomaalida, taas oo saamayn taban iyo mid togan ba ku yeelatay hab-nololeedkii soo jireenka ahaa. Waxay ay baraha bulshaddu yeesheen saamayn qofeed, mid bulsheed iyo mid qaranba. Haddaba halkan aan idiinku soo gudbiyo warbixin kooban oo aan si sar ka xaafis ah ugu milicsan doono dhibka iyo dheefta isticmaalka badan ee baraha bulshadda.
Dheefta barasha bulshadda:

 

 

 

 

-Waxa ay baraha bulshadu ku fududaynayaan in aad si dhib yar kula xidhiidho asxaabtaadda, eheladaada iyo taageerayaashaada jooga daafaha dunidda adiga oo qolkaaga dhex-fadhiya. Innaga, waxa si fudud aad ku samaysan kartaa saaxiibo kala jooga goboladda iyo degmooyinka oo aad isku barateen barahiina bulsheed.

 

 

-Sidaas oo kale waxa aad wararka iyo macluumaadka kala socon kartaa daafaha dunidda isla marka ay dhacayaan iyo sida ay u dhacayaan adiga oo ka hor ogaan kara kuwa la deriska ah dhacdooyinka.
-Waxa ay baraha bulshadu hor-seedi karaan inaad hesho fursaddo badan oo ku anfaca mustaqbalkaaga kuwaas oo aad ka aragto linkiyadda iyo postiyadda saaxiibaddaada amase bogag ilo-wareed ee aad ku xidhantahay.

 

 

-Dadka sida ba’an u jecel ee aad ka u geliya waqti ay ku fooganyihiin dhex-mushaaxa iyo isticmaalka baraha bulshada ka dhigaan mid caanbaxa oo laga yaqaan meelo kala duwan oo dalka iyo dibadiisaba leh.

 

 

-Waxa aad ka qayb-qaadan kartaa jaan-goynta siyaasaddaha iyo qorshayaasha noloshaada saamaynaya adiga oo aragtidaad ka dhiibanaya oo si toos ah dhambaalkaaga u gaadhsiinaya dawladda iyo hayadaha dejiya siyaasadaha maadaama oo aynu nahay dal qaatay nidaamka dimuqraadiyadda

 

 

 

 

Dhibka ay leeyihiin isticmaalka baraha bulshaddu:

-Isticmaalka badan ee baraha bulshadu waxa uu lumiyaa waqtiga oo ah shayga ugu qaalisan ee uu haysto qofka bini-aadamka ahi. Waxa ay dhalinyarteen ku lumiyaan waqti badan iyaga oo ku mashquula moobilkooda halkii u hawl-waxtarleh qabsan lahaa oo ay ka mid yihiin cibaado, aqoon-korodhsi iyo inuu waqti tayo leh la qaato ehelkiisa iyo asxaabtiisaba.

 

 

 

-Isticmaalka baraha bulshadu waxay ay hoos u dhac ku keenaan horumarka uu shaqsigu ka sameeyo shaqadda iyo hawl-maalmeedkiisa. Sababta oo ah waxa uu ku mashquulayaa eegista iyo jaleecidda qaybaha kala duwan baraha bulshadda sida Facebook, Whatsupp, instagram iyo Twitterka. Culimadda sayninka ayaa arintan cadeeyay inay dhaawacdo feejignaanta qofka iyo in uu dhugmo u yeesho hawsha uu qabanayo (Reduce capacity of concentration), waxa kale oo uu sababa waxa loo yaqaan ‘Fragment attention’ oo noqonaysa filiqsanaanta dareenka qofka oo kolba dhinac u jeesta.

 

 

 

 

Waxa aad in badan aragtay adiga oo isticmaalaya baraha bulshadda in aad markaad aragto aroos aad faraxdo, halka isla il-bidhqsi gudahoodna aad aragto tacsi aad naxaysid. Taas ayaa sababta isku dhexyaaca qofka ee dareen-wadayaashiisa.

 

 

-Waxay ay dhalinyar badan oo caadaystayaal ahi dareemaan kelinnimo marka aanay isticmaalayn baraha bulshadda. Isticmaalika badan ee tiknoolijiyaddu waxa ay sababtaa in maskaxda qofku la qabsato oo ku dhegto, haddii uu waayana uu dareemo cabsi.

 

 

-Baraha bulshaddu waxa ay si toos ah u saameeyeen : Dhaqankeena waxa aad arkaysaa wax badan oo laga xishoon jiray in ay dhalinyar badan banaanka iyo bedka baraha bulshadda ku faafinayaan sida sawiro fool-xun oo aan asturnayn, ka sheekaynta xumaanta,

 

 

ku xad-gudubka culimadda iyo shareecadda, sidaa si la mid ah waxa uu saamayn taban ku yeeshay Afkeeni iyadda oo aad dareemayso hab-qoraalka suuban oo meesha ka sii baxaya, xidhiidhintii qaraabadda oo yaraanaysa, iyo qofka ku soo booqda oo intaanu ku bariidin ka bilaabaya furaha internetka!

 

 

-Shukaansigii iyo wada-sheekaysigii dhalinyarta oo xiisihiisi hore ee waraaqaha la isku diro aan lahayn. Awal hore, waxa adkayd in ay fakaad isku helaan wiil iyo gabadh gayaan ahi, oo hablaha waa la baadi-goobi jiray oo waa loo kuur-geli jiray halka haatan ay aad u fududahay in aad inan gayaankaaga ah barato adiga oo gurigaag jooga iyadda oo kaaba dheer.

 

 

 

Ugu dambayntii, wallow ay jiraan dhibaatooyin qofeed, kuwo bulsheed iyo kuwo qaran oo ay leeyihiin si xun u adeegsiga baraha bulshadu hadana waxa jira faa’iidooyin baaxad leh oo ay ka helaan dadyowga sida saxda ah u isticmaala oo aynaan koobi Karin. Waxaa se xusid iyo in is-xasuusin mudan in qofkastaaba masuuliyad iyo si xilkasnimo leh u adeegsado bartiisa bulshadda uu kala xidhiidho taasi oo ah muraayadda ay ka dheehanayso bulshadu, ka fikir 20 sanno kadib sidee ayay kuu saamayn doonaan ficiladaad iyo fal-celintaada aad maanta ku kacaysaaa?

 

 

Wax aan ku soo ururinayaa, waxa uu qofkastaaba u baahan yahay inuu si hufan oo dheelitiran u isticmaalo bartiisa ku xidha bulshadda oo uu miisaanka saaro waxa uu dhexmarinayo aaladan gudbisa oo ah nooc ka mid ah Warbaahinta, weliba tooda ugu saamaynta badan casrigan oo aynu ognahay inay haligtay wadamo badan oo kacdoonadii lagu af-rogay laga hagayay Baraha bulshada.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker