Dowladda Iran oo amaro cusub kusoo rogtay haweenka aan xijaaban

Mid ka mid ah xubnaha Golaha Islaamka oo soo xiganayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Iran, ayaa ku dhawaaqay in la hakin doono adeegyadii ay siin jireen dadka qaarkiis, kuwaasoo ah haweenka “xijaab la’aanta ah”.

Guddoomiyaha guddida golaha sare ee Islaamka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yiri “Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu sheegay in marka hore ciddii xijaabka aan ku dhex qaadan bulshada dhexe, ee aan xijaab qaadan, ama aan xirnan in marka hore loo soo gudbin doono digniin qaab fariin qoraaleed ah.”

Sida laga soo xigtay isaga, ka dib fariin qoraal ah oo digniin ah, “Haddii haweeneyda ku adkaysto inaanay ilaalin shuruucda xijaabka xarumaha dadweynaha, dadka noocaas ah lama siin doono adeeg.” Ayuu intaa ku daray wasiirka arrimaha arrimaha gudaha.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Iran, haddii ay ku sii socoto kiiska dadkan loo gudbin doono hay’adaha garsoorka.

Hadalkan ayaa waxa uu barbar socdaa fulinta mashruuca looggu magac daray “Afafka iyo Xijaabka” kaas oo la doonayo in lagu cadaadiyo haweenka iska dhaga tiraya xijaabka waajibka ah ee goobaha bulshadu ku kulanto.

Waxaa lasoo bandhigay sawiro badan oo aanay haweenka xirnayn xijaabka magaalooyin badan oo katirsan dalka Iran, taasoo ay kasoo muuqdeen Shabakadaha Bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker