Farriin ka timi Xabaalaha Meadows of Peace oo ku socota Jaaliyada Bristol

Asalaamu Calaykum

Saaka markii aanu soo aasnay Allah ha u naxariistee Saaxiibkayo Marxuum Cabdiraxmaan oo shalay Bristol ku geeriyooday, markii Aaskii dhamaaday ee Marxuumka loo duceeyay, qof kastana uu u diyaar garoobay inuu gaadhigiisa fuulo, ayaa waxaa si kediso ah kor u dhawaaqay Xafaar ka mid ah Xabaal-qodayaashii Golaha Deegaanka Bristol oo Asalkiisu uu Baakistaani yahay oo Xabaasha maamulayay.

Waxa uu dhawaaq aad u dheer ku yidhi Walaalayaal, ma og tihiin in imika dadka ugu badan ee Xanuunka Covid-19 u dhimanaya ama u jiifaa ay Jaaliyada Soomaalida yihiin?

Xabaal-qodahaas Baakistaaniga ahi waxa u yidhi maxaa khaldan walaalayaal, maxaynu maalin kasta u waayaynaa dad inaga mid ah oo cimrrigoodu aanuu weynayn, wuxuu yidhi Illahay waynu aaminsanahay qadarkiisa, laakiin is weydiiya waxa Jaaliyada Soomaalida ee Bristol ka dhigay dadka ugu badan ee Covid-19 u dhimanaya ama u jiifa?

Run ahaan argagax iyo dhiillo aad u weyn ayay maqalka erayada ninkaasi ku riday dadkii Xabaasha joogay.

Safka dheer ee ku teedsanaa kuna xigay Xabaasha aanu Cabdiraxmaan maanta ku aasnay waxaa ka muuqday Magacyada Xubno Jaaliyada Bristol ka tirsanaa oo rag iyo dumarba lahaa oo usbuucyo yar ka hor noolaa oo shaqaysanayay laakiin imika Dunida ka carraabay.

Iyada oo aan Qadarka Alle cidina is hor taagi karin oo qof waliba uu saacada loo qoray uu dhimanayo, hadana waxaa hubaal ah inuu dayac aad u weyn iyo is dhigasho badan ay ka muuqato Jaaliyada Soomaalida guud ahaa UK iyo gaar ahaan Bristol.

Imika oo aan qoraalkan qorayo waxaa Cisbitaalada Bristol ku jira xubno Jaaliyada ka tirsan oo qaar ay xaaladoodu aad u liidato Allah ha caafiyee.

Waxaan u soo jeedinayaa Qof kasta oo ka tirsan Jaaliyada inuu xaqiiqsado xaalada caafimaad ee UK ka jirta iyo khatarta xanuunka Covid-19 ee ka sii daraysa. Waxaana ku waajib ah in qof kastaa uu masuuliyad iska saaro ilaalinta Naftiisa, Qoyskiisa iyo Bulshadiisa.

Allah ha u naxariisto intii inaga dhimatay, inta bugtana ha caafiyo, inagana ha inaga ilaaliyo. Aamiin.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker