Muuse Biixi Beeraha Danyarta & Masaakiinta ayuu Xoog & Xabad ku qaataa, Beerihii Geed-Deeble & Tii Cismaan Dacas ayuu xoog ku haystey

Muuse Biixi waa Dagaal Ooge oo horana Habaryarihii & Reerpo dhan ayuu
qixiyey, oo anigoo wax dili kara duco qaadan maayo, Kursiga uu hada ku fadhiyo, Dhiig, Boob, Xaaraan & Ku shubasho ayuu ku fuuley, oo Ceebtii
Waterget, mid ka daran Warbaahinta ku jirtaa, Badigoob Taliyihii Booliiska
Kii Ciidamada, Saariikiishii Kulmiye, Wasiiradii Siilaanyo & Komishinkii oo
boob cad & Ku Shubasho, Xoog Awood & Lacag Laaluush u adeegsanaya.
Muuse Hore ayuu u boobay Beerihii Marxuunkii Cismaan Dacas & Geed-deeble, Imikana Reero Dumarkii Barooranayaan, Odayadii Ciishoonayaan
ayuu Ilayn waa Daalin Dhiiga & Beeraha Umada u bartaye, uu Kibir & Awood
sheegasho ugu qabsadaey Beerahoodii uu Ciidan & Cagaf geliyey, isagoo ku
andacoonaya Madaxtooyadii ayaan u raraya.
Muuse Jaahil Kibir waa lagu jabaa ee taa miyaanu ogeyn, isagoo Umadii ka
soo hor jeedo, Xukuumadiisa Jeegaamaysan, Dhinaca ka raran, oo Garxajis
Shir ay kaga tashanayaan, sida uu Muuse & Siilaanyo Xukuumada Gaashaanb-
uurta ku abtirsata Labada Reer ee H/Jeclo & H/Awal, oo uu ku andacoodey
Muuse Jeegaan ayaa Kursiga i saartey, oo Garxajis & Wadano Somalilandba
ma aha ee Miyeynu cod siinaa, oo uu kaga dhabeeyey oo uu boobay codkii
Shacabka Wadani, tiina ay maanta Garxajis Shirkaa ay G/Libaax ku qabsadeenáy ka mid tahay sida Muuse & Jeegaantu u fogeeyeen, ee S/weyn
loogu sheegay.
Bal Hadaba, Muuse wuxuu isku furey Dagaal kale oo Bariga kaga furan oo
Ceel Afweyn & Tukaraq ah, uu ka dabaalan kari waayey, oo intaa hayaay ka
kaca, & Tlaay, oo uu hadana Reerihii sii fogaynayaa, oo aanu nabad aqoon ee
Hanjabaad & Waan idin dhirbaaxi jirey & Xadkii ayaan soo xidhaya.
Kolkaa Muuse Magacii loo bixiyey ee Muuse andaraab, waataa ku qufulantey
Xaafadland, kolkaasu Maatidii hadana, Xabad, Xadhig & Xoog Dhulkoodii ku
boobayaa, oo Kibir dartii Madaxtooyadii ayaan raraya, maba lulatee maxay
leeftaa ayuu ka dhigaya, Madaxtooyadii wey ku qufulantey, ee muxuu rari
miyuu ku dhuumanayaa oo Reerihiisa & xaafadiisa ayuu Xaska dabada gelinayaa.
Muusaw waadigan cabaadayee, hadmaa weerar kugu waabariistey, Lix Bilood
ayey ku qufulantey, Kursigii kugu xidhmay, Madaxtooyadii Xaafadland aad ku
dhex waalatey.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker