Dagaal ayaa waxa uu dhexmaray ciidamada Dalalka Uganda iyo kuwa Congo

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay iskudhacyo u dhaxeeya ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Dimuquraadiga iyo milateriga dalka Uganda.

uganda

Weerrarkan ugu dambeeyay ayaa waxa uu ka dhacay xadka dhinaca Koongo ee harada Edward ee gobolka Waqooyiga Kivu, halkaas oo koonfurta ka xigta seeraha weyn ee qaran ee duurjoogta lagu xannaaneeyo ee Virunga.

Ciidamadda Uganda iyo Congo ayaa isku dhacay xili ay illaalo ka hayeen haraha Edward, kaasi oo kala qeybiyo labada dal.

Afar ka mid ah ciidamadda Uganda iyo saddex qof oo rayid ah oo u dhashay dalkaasi Uganda ayaa lasoo sheegaya in ay ku dhinteen isku dhacaasi

Askari kale oo kasoo jeedo dalka Conogo iyo qof shacab ayaan sidoo kale uu dhaawac soo gaaray.

Waxaa jiray dhawaanahan isku dhacyo dhowr ah oo dhexmarayey ciidamadda hubeysan ee Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo iyo ciidamo kasoo jeedo Uganda.

Bishii lasoo dhaafay, xukuumadda Uganda ayaa si kumeel gaar ah u xirtay 48 qof oo aha kuleymasato u dhashay Conogo, waxa ayna ku eedeysay inay kusoo xadgubeen xadka harada dalkaasi Uganda.

Weerar kale oo gooni ah oo ka dhacay tododdobaadkaan waqooyiga Kivu, ayaa isku dhacyo dhexmaray ciidamada hubeysan ee Congo, maleeshiyaad maxalii ah iyo maleeshiya kale oo ka soo jeeda Uganda, waxaa ku dhintay siddeed askar, kuwaasi oo ka howlgalayay dhowr sano gobolka qaniga ku ah saliida ee dhaca halkaasi.

Xigasho BBC NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker