Xukuumada Somaliland oo jabkeedii Yimid oo Dulmigii, Xaqdaradii, Kibirkii & Xaaraantii isku dirtey, Labadii Xaq Daro ku heshiisaa, xaqay ku colowdaa.

Somaliland Beelo Badan ayaa wada dega, Harti, Samaroon, Garxjis, Gabooye, arab, Ciise & Beelaha Jeegaanta
ku bahoobay, hadaba Siilaanyo oo Somaliland Qabyaalad, isku dul noolaansho, Eex & Cadaalad daro u aabo
ahaa, ayaa Dulmi, Xoog & xabad uu ku saarey Kursiga Muuse Shaani, si aan Hantidii & xaqii Umada ee Siilaanyo
dhacay aan looga daba tegein.
Hadaba, Muuse oo Duca diide, dagaal Ooge ahaa, oo Isba Hantida Umada dhinaciisa boobayey, oo aan sareysan
uu ku andacoodey wixii Reerkayga ku abtirsada ee Umada dhacay yaan la soo hadal qaadin, Waa Sacad ali Shire
Samsam, Samaale, Aamina Weris, & qaar badan oo ku abtirsada H/Awal, Laakiin intii H/Jeclo ee xoolaha Umada
dhacdey hala daba galo, oo hala baadho.
Siilaanyo xaaraan daaq, eex & Qabiil ku caana ayuu ahaa, Muusana Saaxiibkiisii Xaqdarada & Dulmiga ku heshiis
ahaa ayey ahaayeen oo Somaliland ka samaystey Isbahaysi, Jeegaan, gaashaan Buur. oo ah H/Jeclo & H/awal.
Sidaas Darteed, Xaqdaradii & ulmigii Siilaanyo & Muuse & Jeegaantii ay la baxeen oo jabkoodu soo galay, waayo
dhiilkii xaaraanta & Xaqdarada ayaa buuxsamay oo Jabkii Jeegaanta Siilaanyo Xaraashe & Muuse Shaani wuu yimid
oo Tv,yada & Wat Sapyada ayey ku andacoonayaan hadaanu H/Jeclo nahay jeegaantii waanu ka baxnay, & hadaanu
H/Awal nahay Habaryoonis & Garxajis ayaanu isku habar magaado nahay, oo aanu nabsi ka galnay.
Riwaayada Jeegaanta H/Jeclo & H/awal oo cuqbadii & Kibirkii & Dulmigii dhigayaan waxay ku soo dhamaan iyagoo
iswada laaya, Timaha isawada qabsada, meel kasta gambadho isugu soo fadhiista, oo cay & Cunfi & Cuqubo ku kala
taga, oo Jeegaantii kala jabto.
Jeegaantii xaqdarada ku heshiisey, oo xaqii ku coloobey, Dulmigii & Xaaraantiina isku dirtey.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker