Macron oo ku booriyey in Shiinuhu ay ku cadaadiyaan Ruushka inuu bilaabo wadahadal nabadeed

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhiirigeliyey madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, isaga oo isticmaalaya xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya dalka Ruushka, inuu gacan ka geysto soo afjaridda dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Macron oo ku sugan Shiinaha ayaa madaxweyne Xi Jinping u sheegay in gardarrada Ruushka ee Ukraine inay waxyeello u geystay xasiloonida caalamka.

“Waan ogahay inaan ku kalsoonaan karo inaad Ruushka ku soo celin karto inuu si saxan u fekero, iyo weliba in qof waliba uu dib ugu soo laabto miiska wadahadalka” ayuu yidhi Macron.

Madaxweynaha Shiinaha oo hareer taagan madaxweynaha Faransiiska, ayaa u sheegay saxafiyiinta in “iyaga iyo Faransiisku, ay ku baaqayaan is xakamayn iyo caqliyad” in lagu xalliyo colaadda socotay 14-ka bilood, isaga oo intaas ku daray in Shiinuhu uu raadinayey “in si degdeg ah loogo soo laabto wadahadaladii nabadeed si loo xalliyo xiisadda siyaasadeed”

Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa sheegay in xukuumaddiisu “ay ku baaqayso in la ilaaliyo dadka rayidka ah. Inaan marna la isticmaalin hubka nukliyeerka, isla markaana laga fogaado inuu qarxo dagaal la isu adeegsado hubka nukliyeerku.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker