Ugu yaraan 19 qof oo ku dhintay musiibo ka dhacday DR Congo

Saraakiisha maxalliga ah ee ku sugan bariga Jamhuuriyadda Congo ayaa sheegay in dhul go’ay ay ku dhinteen 19 qof, subaxnimadii Axadda.

Mas’uul ka tirsan maamulka tuulada Bulwa ee Waqooyiga gobolka Kivu ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Waxa uu sheegay in xubno ka tirsanaa koox dumar iyo carruur ah oo dhar dhaqayay ay aasmeen ka dib markii uu ku dumay dhulka.

Maanta oo Isniin ah ayaa lasii waday gurmadka lagu raadinayo dad weli ku hoos jira carrada.

Gobolkan waxaa ciiddiisa jilciyay roobab mahiigaan ah oo socday dhowr bilood, kaasoo sababay fatahaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker