Wefti Wasiirro ah Oo Ka Socda Xukuumadda JSL Oo Gaadhay Gobolka Sool

Wefti wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Jahuuriyadda Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa gaadhay degmada Adhi-cadeeye ee ka tirsan gobolka Sool.

Waxaana weftigaasi ay ka koobnaayeen wasiirrada wasaaradaha Xannaanada xoolaha, Beeraha, cadaaladda iyo xidhiidhka gloeyaasha, iyada oo mas’uuliyiintaas ay ku soo dhaweeyey deegaankaas maamulka gobolka Sool, ka degmada Laascaanood iyo madax kale.

 

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay maayarka degamada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale iyo guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo weftigaas ka socday xukuumadda ku soo dhaweeyey deegaanka Adhi-cadeeye, iyaga oo uga mahad-celiyey imaatinka ay weftigaasi ugu yimaadeen, sheegayna in wejigii kowaad ee nabadayntu uu ku dhamaaday jawi wanaagsan oo ay dadkii dirirtu dhexmartay ay gacmaha isku qabsadeen imikana loo ballansan yahay dhameystirka wixii ka qabyada ahaa.

 

Waxayna u mahad-naqeen xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay sheegeen inay dedaal xoogan galisay nabadeynta Adhi-cadeeye, iyaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyey ciidamada kala duwan ee qaranka oo ay tilmaameen in ay door laxaadleh ka ciyaareen daminta shaqaaqadii dhexmartay beelahaas walaalaha ah.

Dhankiisana wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo halkaas ka hadlay ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweynta ay u sameeyeen maamulka gobolka Sool, ka degmada Laascaanood, maamulka degmada Adhi-cadeeye iyo saraakiisha ciidanka qaranka ee ku sugan deegaankaas, wuxuuna wasiirku intaas ku daray in ay u socdaan xoojinta iyo adkaynta nabadgalyada gobolka Sool guud ahaan gaar ahaana ta adhi-cadeeye ka socota wakhtigan, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in ay si wanaagsan oo farxadgalisa bulshada gobolka Sool iyo Somaliland ay ka soo bixi doonaan shirkaas nabadeynta beelaha walaalaha ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker