Xaaladda Gaza Kadib Heshiiskii xabad-joojinta ee Xamaas iyo Yuhuuda Israel

Dabaaldegyo ballaaran oo lama filaan ah ayaa ku faafay Marinka Qaza, Daanta Galbeed iyo gudaha Falastiin iyadoo la dhaqan gelinayo xabad joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiin, waxayna dadka dabaaldegaya muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guusha ay iska caabbintu ka gaareen Ciidamada Israa’iil oo adeegsanayo hubkii ugu casrisanaa Adduunyada.

Dhammaan jidadka ayey dadweynaha isku soo baxay ka taageyn Calanka Falastiin, midka Dhaqdhaqaaqa Wax-iska-caabbinta Islaamiga (Xamaas) iyo kooxaha kale ee iska caabinta, waxaana dhammaan masaajida laga bilaabay Takbiirta iyadoo la adeegsanayo cod baahiyaal laga maqlayo meelo fog fog.

Sidoo kale waxaa cod baahiyaal laga daaray heyso lagu baraarujinayo kooxaha iska caabinta sidoo kalana lagu ammaanayo dulqaadka ay muujiyeen dadweynaha reer Falastiin ee Masjidka Aqsa, Xaafadaha Qudus iyo xaafadda Sheikh Jarrah ee ku dhegan Buurta Macbadka.

Dabaaldegyo la mid ah ayaa ka dhacay magaalooyinka Daanta Galbeed, dad isugu soo baxay Magaalada Ramallah ayaa salaan sharaf ka qaatay kooxaha iska caabinta iyagoo ugu hambalyeeyey waxqabadka Militari ee muuqda oo ay ka gaareyn dagaalkii ay la galeyn Yahuuda xoogga ku heysato dhulkooda.

Dhanka kale Dabaaldegyo ayaa ka bilowday magaalooyinka Hebron, Nablus, Salfit, Tulkarm, Jerusalem, Hebron iyo kuwa kale isla markii ay xabbad joojintu dhaqan gashay, sidoo kale dabaaldegyo iyo isu soo baxyo ayaa ka dhacay gobollada gudaha ee Falastiin sida Umm al-Fahm, iyo xerada Ain al-Hilweh ee qaxootiga Falastiin ee Lubnaan.

Xabad joojinta ka dhaqan gashay Marinka Qaza saacadihii hore ee Maanta oo Jimco ah ayaa timid kadib markii Masar ay dhex dhexaadisay heshiis u dhexeeya Israel iyo Xamaas oo lagu joojinayo xabadda 11 maalmood.

Golaha wasiirrada Israa’iil waxay xaqiijiyeen iney heshiis xabbad joojin ay la gaareen Falstiiniyiinta si dagaalka tobanka maalmood socday loo joojiyo.

Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa markaa kadib bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyey aqbalaada xabadjoojinta.

Ugu yaraan 232 Falastiiniyiin ah oo ay 65 yihiin carruur in lagu dilay tani iyo marka uu dagaalka billaawday. Halka Israa’iilna dagaalkaasi ay uga dhinteen 11 qof oo 2 ka mid ah ay carruur yihiin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker